Sababta uu Farmaajo uga baaqday furitaankii shirka BRUSSELS oo la ogaaday

Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belguim ayaa shalay laga waayey furitaanka shirka iyo xarunta shirka uu ka dhaceyey.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in ajendaha shirka laga reebay madaxweyne Farmaajo oo khudbad markii hore ku lahaa furitaanka shirka, waxaana loo bedelay maalinta 17-ka ee xiritaanka shirka inuu ka qeyb galo, kana hadlo, iyadoo arrintaas ay ka shaqeeyaan la-taliyeyasha madaxweynaha.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Soomaaliya shalay ku metelay shirka, isagoo jeediyay khudbadii dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay dhowr wasiir oo shirka ka jeediyey horumarka xukuumadda ee dhinacyada kala duwan.

Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Brussels ayaa sheegaya in uu xarunta shirka gaaray madaxweyne Farmaajo oo maanta qeyb ka ah shirka, gaar ahaan marka laga hadlayo qodobka ku saabsan shirkadaha gaarka ah iyo ganacstadda oo uu khubad ka jeedinayo xilligan, wuxuu kaloo ka hadlay shir-doceedka dumarka iyo kaalinta nabadda iyo amniga.

Qaar ka mida xubnaha shirka Brussels ka qeyb galaya ayaa saxaafadda u sheegay in sababta uu madaxweyne Farmaajo uga baaqsaday munaasbadii furitaanka shirka ay ahayd iyadoo aanu heyn wax uu la wadaago beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
Caasimada@live.com