Sacad Cali Shire oo shaaca ka qaaday XOG ku cusub ictiraafka SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) –Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa daboolka ka qaaday in wakiilada maamulka ay ka gaabiyeen ictiraaf raadinta Somaliland.

Wasiir Sacad oo u waramaayay HCTV ayaa sheegay in wakiilada Somaliland laga doonaayay inay la imaadan firfircooni hase yeeshee aysan muuqan dadaalkii looga fadhiyay.

Waxa uu tilmaamay inay gabeen howlihii laga sugaayay oo ahaa la xiriirida wakiilada kale ee caalamka taasina ay meesha ka saareyso inay la xisaabtamaan maamulka.

Waxa uu Wasiirku yiri “Wakiilada ma aysan noqon sida aan ka fileynay waxaan ka dooneynay ma aysan qaban waxa ayna ku mashquuleen howlo kale oo aan iyaga quseyn”

Wasiir Sacad ayaa wakiilada ku eedeeyay inay baalmareen shaqooyinkii looga fadhiyay oo aheyd in bilo gudaheeda ay ku qaadan talaabooyin xooli ah sidaa aawgeed ay ku fashilmeen dadaalkii laga filaayay.

Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda ayuu sheegay inay qaaday talaabooyin la taaban karo oo dhanka ictiraaf raadinta ah balse ay weyday wakiilo arrintaas kala shaqeeya.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in isbedel ay la imaadan wakiilada si Somaliland ay uga hanaqaado halka ay maanta taal oo ictiraaf la’aanta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com