Xiriirki loo jaray DF Somalia oo muujiyey sida madaxda maamul goboleedyada iyo wasiiradoda isaga warhayn

Wasaaradaha dowlad gobolleedyada ee kalluumeysiga ayaa dhawaan sheegay in ay xiriirka u jareen wasaaradda kalluumeysiga ee dowladda Federaal-ka ah.

Ma aha wax cusub in maamul gobolleedyada ay isku dhacaan ama is khilaafaan dowladda dhexe laakiin waxaa la yaab noqotay waxyaabha ay ku doodeen wasaaradaha maamul gobolleedada ee kalluumeysiga markan!

Muxuu salka ku hayaa khilaafka ay sheegayaan maamul gobolleedyada?

Wasiirada maamul gobolleedyada ayaa ku andacoonaya in aan laga qeybgalin shirarkii lagu meel mariyey wadaagga dakhliga ka soo xerooda rukhsad bixinta kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya.

Ma runbaa?

Sida ku cad heshiiskii horudhaca ahaa ee ay saxiixeen dowladda Federal-ka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Benaadir 10-kii bishii Febraayo 2018 waxaa lagu heshiiyey sida loo wadaagayo dakhliga ka soo baxa bixinta rukhsadaha kalluumeysiga, heshiiskaas waxaa maamul gobolleedyada u saxiixay madaxweyneyaashooda.

Dhinaca dowladda Federal-ka ah waxaa u saxiixay R/W Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka wasaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxaa qodobka looga hadlay shirkii Brussels dhawaan loogu qabtay Soomaalida sida ku cad qodobka 50-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkaas waxaa lagu bogaadiyey heshiiskaas dhexmaray dowladda Federaal-ka ah iyo dowladdaha xubnaha ka ah oo ay weheliso maamulka gobolka Benadir!

Hadaba, maxay ka dideen wasiirada maamul kalluumeysiga ee maamul Gobolleedyada?

Sida muuqata wasiirada waxa aysan ku qanacsaneyn heshiiska ay u saxiixeen madaxdooda oo iyaga ayaa rabay in ay saxiixaan.

Soo lama oran karo, iskama war qabaan madaxda maamul gobolleedyada. yeyna tahay in ay ku matalayaan heshiisyada ay la galayaan dowladda Federaal-ka ah?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com