Sawirro: Amarka Farmaajo oo dhagaha laga fureystay iyo jidad cusub oo la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa xirtay wadooyin hor leh oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Waddooyinka la xiray ayaa dhexmara xaafadaha kuwaa oo ay isticmaali jireen Mootooyinka iyo Gaari gacanada ay wataan xoogsatada.

Waddooyinka oo lagu suray biro dhaadheer ayaa ah kuwa kasoo baxa xaafadaha oo gala laamiyada Makka Al-Mukarama iyo laamiyada kale.

Waddooyinka la xiray ayaa dhibta ugu badan waxaa kala kulma dadka shacabka iyo xoogsatada sida wadayaasha mootooyinka iyo gaari gacanada, waxa ayna talaabadaani cuuryaamisay dadka masaakiinta ah, sida ka muuqata.

Talaabadani lagu xiraayo waddooyinka ayaa waxaa leh Hay’adaha amaanka dowlada oo aan dhag jalaq usiin dhibta ay la kulmaan shacabka xilli Madaxweyne Farmaajo maalin un ka hor uu amray in la furo wadooyinka xiran.

Madaxweynaha ayaa amray muddo 48 Saacadood gudahood ah in la furo wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho ka dib markii uu dhawaan kulan la qaatay guddiga Amniga Qaranka.

Waxaa muuqata in uusan hirgalin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in la furo wadooyinka xiran, si aan shacabka loo dhibaateyn.