Saciid Deni oo amar kasoo saaray kheyraad si qarsoodi ah looga dhoofiyo Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macaadinta kale ee deegaanada maamulka Puntland.

Warqadda kasoo baxday Xaafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu socod dhamaan wasaaradaha xukuumadda Puntland iyo taliska booliska Puntland.

“Waxaa dhamaan wasaaradaha iyo taliska ciidanka booliska ee sida tooska ah ay waqadani ugu socoto lagu wargelinayaa in laga bilaabo maanta la joojiyay dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ciidanka Booliiska Puntland, ayaa si gaar ah loogu amray in uu tallaabo sharci ah ka qaado, cid kasta oo lagu qabto dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta.

“Sidaas darteed waxaa taliska ciidanka Booliska la farayaa in cidii lagu qabto laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xaafiiska madaxweyne Deni.

Qoraalkan kuma cadda sababta ka dambeysa in Madaxweyne Deni uu soo saaro amarkan lagu mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdinta oo sida la sheegay loo dhoofin jiray dalka dibadiisa.