Saciid Deni oo dhaafi doona Farmaajo iyo Muuse Biixi haddii hal arrin laga ogolaado

Garoowe (Caasimada Online) – Xasaradaha la abuuro dhamaadka muddo xileedka waxay u muuqdaan xirfad adduunka duug ka ah, balse u cusub madaxda Soomaalida.

In aan muddo xileedka la ixtiraamin ayaa madaxda Soomaalida ku xooggan waqtigaan. Madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa isku rida miir beel siyaasadeed marka la gaaro xilliga doorashada, waxay abuuraan hanaan doorasho oo loo jeedo inuu iyaga u xaglinayo.

Mararka qaar ma rabaan inay hanaankaas tartan ku galaan ee waxay noqon kartaa mid ay ku raadinayaan buuq iyo isqab-qabsi ay ku sii dheereysan karaan maalmaha xukunka.

Aan soo qaadano dhacdooyinkii u dambeeyay;

Farmaajo iyo shalay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeexday hab doorasho oo ay ugu baddin karto isaga iyo kooxdiisa, waxaase ka dhashay diidmo iyo buuq siyaasadeed.

Wuxuu ka macaashay hal sano iyo saddex billood oo muddo kororsi ah. Mucaaradkii kasoo horjeeday iyaguna waxay ka faa’iideen in hanaankii uu rabay la diido kadibna la galo doorasho loo siman yahay, taasi oo keentay inay xukunkii ka qaatan.

Muuse Biixi Cabdi – waa tusaale kale

Muuse Biixi ayaa markii la gaaray dhamaadka xukunkiisa wuxuu hindisay muran doorasho. Kooxdiisa waxaa la aaminsan yahay inay fahamsanaayeen in doorashada guud laga soo hormariyo midda ururada.

Buuqii ka dhashay ayaa Muuse siiyay muddo kororsi.

Bishan aan ku jirno ee November, waxaa Muuse u billowday sanadkii labaad oo muddo kororsi ah, laakiin dhinaca mucaaradkana waxay ku guuleysteen in doorashada Madaxtooyadda la soo hormariyo oo midda ururrada dib loo dhigo. Odayaal beeleed ayaa keenay xalkaan.

Muuse midna waa u martay, midna waa laga diiday.

Saciid Deni iyo hadda

Xaaladda hadda waxay agtaalla hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Wuxuu illaa hadda ku dhagan yahay nuuc doorasho oo loo arko inuu 100% isagu ku baddin karo.

Wuxuu durba aqbalay in doorashada dib uga dhacdo 8-da Janaayo 2024 oo uu ku eeg yahay muddo xileedkiisu.

Mucaaradka Puntland waxay u dirirayaan inay laba arrimood hor istaagan. Mid waa muddo kororsiga, midna waa nuuca doorasho ee Saciid Deni usii xaqiijinaya guusha.

Inay labadaba ku wada guuleysan karaan inay baajiyaan uma badna. Marka xaaladahan oo kale la yimaado waxaa laga soo helaya diiwaanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya in midna uu qaato qofka xafiiska fadhiya midna mucaaradka.

Saciid Deni inuu labada kiis mid ku adkaado ayaa muhiim u ah sida ka muuqata isaga iyo xulafadiisa. Haddii uu ka mira-dhaliyo in doorashada lagu galo hanaanka uu isagu wato, wuxuu kaga duwanaan doona Farmaajo iyo Biixi meel marinta hanaankiisa doorashada, balse haddii uu taas waayo, haddana muddo kororsi waayo waxay ka dhigan tahay inuu dhibco ahaan iyo xaalad ahaanba ka hoos mari doono labadaasi hoggaamiye.

Waa adag tahay inay madaxda Soomaalida la yimaadan dhamaadka muddo xileedkooda dhaqan u dhigma midka ka muuqda maalinta ay xukun doonka yihiin.

Dadweynaha waxay hadda isha ku hayaan labada kiis ee muddo kororsiga iyo hanaanka doorashada, midda uu Saciid Deni ku adkaan doono 45 cisho ee soo aadan.