Saciid Deni oo ka jawaabay CABASHO ka soo yeertay ardaydii loo qaaday Itoobiya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay cabashadii dhowaan ka soo yeertay arday uu maamulkaasi u diray magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida dalka Itdoobiya.

Madaxweyne Deni ayaa meesha ka saaray in ardaydaasi loo diray waxbarasho Jaamacadeed, balse wuxuu sheegay in looga faa’iideeyey fursado lagu barayo xirfado kala duwan oo ay ka heleen dowlad deegaanka Soomaalida, sida uu hadaka u dhigay.

Sidoo kale tirada saxda ah ee ardayda ayuu ku sheegay illaa 70 arday oo ka baxay deegaanada maamulkaasi.

“Maalin dhaweyd 70 arday oo xirfado baranaya ayaa dowlad-deegaanku nagu caawiyey, waxaa lay tusay muuqaal laga soo duubay oo ay diiddeen;mid baa soo noqday wuxuu yir, anigu Tumaal ma noqon karo; ma wuxuu rabaa in uu fadhi ku dirir noqdo, annagu waxa aan dhiirigelinaynaa waa waxsoo saarka iyo farsamada.” ayuu yiri Siciid Deni.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay jiraan dad badan oo cadow ku ah Puntland, islamarkaana faafinaya weerar liddi ku ah maamulkaasi.

Puntland ayaa in muddo ah dhaleeceyn kala kulmeysa ardayda ku sugan deegaanadeeda oo illaa iyo hadda aanan helin shahaada dugsiga sare, dowladda federaalka Soomaaliya.