Aqri: 7 qodob oo laga soo saaray SHIRKII saamileyda siyaasada Somalia ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen saamileyda siyaasadda Soomaaliya, oo looga hadlay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka la dilayo ayaa 10-kii March ka dhacay magaalada Nairobi.

Shirkan heerkiisu sarreeyo oo ahaa kulankiisi saddexaad, ayaa waxaa ka qeyb-galay madax kala duwan oo ka kala socotay, Golaha Shacabka JFS, dhammaan Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Xisbiyada, iyo Bulshada Rayidka.

Shirkanayaa diiradda lagu saarey hannaanka doorasho ee suuragalka ah haddii ay dhici weydo doorashada Qaranka ee hal qof iyo hal cod oo ku salaysan sharciga doorashooyinka ee dhowaan la ansixiyey.

Dhammaadkii shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobada hoos ku qoran

1. Xubnaha ka soo qaybgaley waxay si qotodheer oo aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay uga doodeen una lafa gureen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyaga oo si gaar ah ugu kuurgalay doorashooyinka ku beegan dabayaaqada sannadka 2020ka iyo culeysyada baaxadda leh ee ku xeeran in doorasho qof iyo cod ah oo loo siman yahay ay dalka ka qabsoonto.

2. Waxaa la is xasuusiyey in muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ay ku eg tahay 26 Diseembar 2020. Maalintaas oo sharci ahaan ku asteysan xilliga lama dhaafaanka ah ee ay tahay in ay soo dhammaato doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo wakiillada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3. Xubnaha shirku waxay si wadajir isugu raaceen in Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka ee haatan xilka haysa aan muddo kordhin loo sameyn karin laguna sababayn karin waqtiga gaaban ee ka harsan muddo xileedka, xaalad amni, dhammeystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu Baarlamaanku gacanta ku hayo iyo khilaafka siyaasadeed.

4. Haddaba Shirku isagoo si weyn uga baaraandegay khataraha ka iman kara muddo kororsi loo sameeyo Baarlamaanka, Laanta Fulinta ama labadaba waxay hoosta ka xarriiqeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo hannaan labaad oo suuragelinaya doorashooyinka qaranka ee heer Federaal. Sidaa darteed waxay soo jeediyeen qodobadan hoos ku taxan;

a) – In lagu qabto doorashada Goleyaasha Qaranka 2020 hannaan ku salaysan doorasho dadban oo ka tayo sarreysa doorashooyinkii 2016.

b) – Hannaankan kuraasta Goleyaashu waxay ku astaysan yihiin nidaamka saamiqaybsiga matalaadda beelaha ee 4.5ka ee lagu heshiiyey.

c) – Murashaxa Golaha Shacabku wuxuu ku imanayaa magacaabista axsaabta rasmiga iyo murashax madaxbannaan.

d) – Tirada codbixiyayaasha ee kuraasta Golaha Shacabka waxaa kor loogu qaadayaa ilaa boqol iyo kow (101) codbixiye ugu yaraan.

e) – Iyada oo kursigu jufeysanyahay haddana waxaa wadajir ugu codeyn kara codbixiyayaasha deegaanka kuraasta loo tartamayo oo ku salayasan heer Dowlad Goboleed.

f) – Xubnaha Aqalka Sare waxay ku imanayaan hannaankii doorashadii 2016kii sidaa darteed waxaa wadajir u dooranaya Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ay matalaan.

5. Shirku wuxuu aad uga baaraandegay nidaamka lagu suuragalin karo
Doorashooyinka xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka JFS kasoo galaya Gobolada Waqooyi (GW)-Somaliland ayadoo maanka lagu hayo duruufaha siyaasadeed ee ku xeeran in doorashadu ka qabsoonto deegaanada ay matalayaan.

a) – Sidaa darteed shirku wuxuu isu raacay in doorashada xubnaha labada Gole ee ka soo jeeda Soomaaliland loo sameeyo habraac gaar ah oo lagu dhiso guddi doorasho oo heer Soomaaliland ah oo ka kooban waxgaradka ka soo jeeda GW-Somaliland.

b) – Guddiga doorashooyinka ee heer Somaliland iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaaliland ayaa wada jir go’aan uga gaadhaya astaynta goobaha doorashada iyo hannaanka lagu xajiinayo dhowrista hufnaanta doorashada iyo xulista howlwadeennada farsamo ee maamulaya iyo goobaha codbixinta ee heerkan si waafaqsan nidaamka doorashooyinkan.

c) – Doorashada xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka JFS ee ka soo jeeda GW-Somaliland waxay ka qabsoomi kartaa magaaladii iyo meeshii suuragal ah oo ammaankeedu suganyahay oo suuragelinaysa in si sahlan looga codbixin karo, goobjoogayaasha korjoogeyaashana u furan sida Gobolka Banaadir iyo caasimadaha Dowlad Goboleedyada.

6. Shirka waxaa ka soo baxay hindise doorasho (Election Proposal) oo faahfaahinaya nidaamka doorasho ee suuragalka ah kaasoo lala wadaagayo dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya.

7. Shirku wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo qabto shirweyne ay ka soo wada qaybgalaan Saamileyda siyaaseed sida Xukuumadda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Axasaabta Siyaasaddu si looga wada xaajoodo hannaanka doorashooyinka 2020/21 iyo arrimaha siyaasadeed ee ku hor gudban hanaqaadka nidaamka Federaalka iyo dimuquraadiyadda.

=DHAMMAAD=