SACIID DENI oo shaaca ka qaaday inaan lagala tashan magacaabista R/W Xamza

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub, Xamze Cabdi Barre kaas oo la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in aan wax wadatashi ah lagala sameyn magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo kasoo jeeda Jubbaland, isagoo walaac ka muujiyey arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu cabasho ka muujinayo sida uu dhaqmay markii uu  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabayey ra’iisul wasaaraha, isagoo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay xildhibaannada baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa guusha madaxweyne Xasan ee doorashadii 15-ka May ka dhacday magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Puntland horey ugu hambalyeysay ra’iisul wasaaraha magacaaban, kadib warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi, inkastoo haatan hadalka kasoo baxay Deni uu muujinayo inuu ku guul dareystay laba isku day oo midi ahaa in isaga loo magacaabo ra’iisul wasaaraha ama qof kasoo jeeda Puntland.

Tani ayaa sidoo kale muujineyso in Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan ku laabtay Puntland uu khasaare kala kulmay doorashadii Soomaaliya, gaar ahaan damaciisa ahaa hoggaanka Villa Soomaaliya, wuxuuna safarkaas gunaanad u ahaa dagaal qaatay muddo labo sano ah.

Dagaalkaan oo uu ku raadinayey fooqa ugu sarreeya xukunka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday inuu Saciid iska iimaansado hoggaankiisa dowlad goboleedka Puntland.