25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka oo war soo saaray kadib weerarkii Iran ee Qatar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa si adag u cambaareeyay wax ay ugu yeereen gardarrada ay Iran ku qaaday dalka Qatar.

“Sacuudi Carabiya wuxuu falkan u arkaa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da deris-wanaagga,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku sheegtay bayaan ay soo saartay, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in falkan yahay mid aan la aqbali karin oo aan marmarsiinyo loo heli karin duruuf kasta ha ahaatee.

Sacuudiga wuxuu caddeeyay sida uu u garab taagan yahay Qadar, isagoo si buuxda u taageeraya, kuna sheegay bayaanka oo ay faafisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga, inuu u adeegsanayo awooddiisa oo dhan si uu Qadar ugala shaqeeyo tallaabo kasta oo ay u aragto inay lagama maarmaan tahay.

Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa si kulul u cambaareeyay beegsiga Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ay ku qaadeen Saldhigga Cirka ee Al Udeid ee dalka Qadar, wuxuuna falkaas ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay madaxbannaanida iyo hawada Qadar, iyo weliba jebin cad oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Imaaraatku wuxuu mar kale caddeeyay sida uu gabi ahaanba uga soo horjeedo gardarro kasta oo khatar gelinaysa amniga Qadar isla markaana wiiqaysa xasiloonida gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka.

Wasaaraddu waxay muujisay sida Imaaraatku uu si buuxda ula garab taagan yahay Qadar iyo taageeradiisa aan leex-leexadka lahayn ee ku aaddan dhammaan tallaabooyinka lagu doonayo in lagu ilaaliyo badqabka iyo amniga muwaadiniinteeda iyo dadka deggan. Wasaaraddu waxay kaloo hoosta ka xarriiqday baahida degdegga ah ee loo qabo in xiisadda dhanka militari ah la qaboojiyo, iyadoo ka digtay in tallaabooyinka daandaansiga ah ee sii socda ay halis gelinayaan xasilloonida gobolka, ayna u horseedi karaan gobolka waddo halis ah oo cawaaqib xun ku yeelan karta nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa cambaareysay xiisadda sii kordheysa ee ka taagan gobolka, taasoo ay sababteeda lahayd Israel oo weerar ku qaadday Iran 13-kii Juun, iyo is-dhaafsiga gantaalaha ee tan iyo xilligaas socday, oo ay ku jirto weerarkii gantaalaha ahaa ee Iran ay dhowaan ku qaadday goobo madaxbannaan oo ku yaalla Qadar.

Saldanadda Cumaan ayaa cambaareysay falkaas oo ku xadgudbaya madaxbannaanida dal xubin ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka, kana hor imaanaya siyaasadda deris-wanaagga, isla markaana halis gelinaya ballaarinta baaxadda iskahorimaadka, kaasoo aan lahayn wax faa’iido ah oo aan ahayn burbur iyo khasaare dheeraad ah, wuxuuna wiiqayaa aasaaska amniga, xasilloonida, iyo badqabka shacabka gobolka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muujiyay sida Cumaan ay u garab taagan tahay dalka Qadar iyo tallaabooyinka ay qaadayso si ay u ilaaliso amnigeeda iyo xasilloonideeda. Afhayeenku wuxuu sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan hawlgallada militari iyo kuwa gantaalaha, lana adeegsado xikmad iyadoo loo weecanayo wada-xaajood nabadeed, lana dhowro sharciga caalamiga ah si wax looga qabto sababaha iskahorimaadka loona gaaro xal caddaalad ah oo loo maro waddooyin sharci ah.

Baxreyn ayaa si adag u cambaareysay weerarka ay fuliyeen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (Iranian Revolutionary Guard Corps) kaasoo lagu beegsaday madaxbannaanida dalka Qadar, waxayna ku tilmaantay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo hawada Qadar, iyo sidoo kale jebin sharci-darro ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay, Baxreyn waxay ku xaqiijisay taageeradeeda buuxda iyo sida ay ula garab taagan tahay Qadar ka dib weerarkii Iran ee lagu qaaday dhulkeeda. Baxreyn waxay muujisay taageeradeeda aan leex-leexadka lahayn ee ay u hayso Qadar, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in garab istaaggan uu ka soo jeedo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya dalalka GCC. Boqortooyadu waxay hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay midnimada guud ee xilligan xasaasiga ah, iyadoo ku baaqday in la isugu geeyo dadaallada lagu muujinayo is-xakameynta, lagana fogaado xiisadaha, khilaafaadkana lagu xalliyo waddooyin nabadeed.

Kuwait ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaalka ahaa ee Iran ay ku qaadday Saldhigga Cirka ee Al-Udeid ee dalka Qadar, sida ay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay bayaan ay soo saartay Isniintii, waxayna weerarkaas ku tilmaantay “xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo hawada Qadar.” Weerarku wuxuu ka dhigan yahay ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, wuxuuna khatar weyn ku yahay nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka, ayay wasaaraddu tiri.

Kuwait waxay si buuxda u garab taagan tahay Qadar waxayna si buuxda u taageersan tahay dhammaan tallaabooyinka ay qaadi karto si ay u ilaaliso madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo xasilloonideeda, oo ay ku jirto xaqa ay u leedahay inay uga jawaabto sida ay habboon u aragto, ayay wasaaraddu tiri, iyadoo ku celisay sida ay Kuwait diyaar ugu tahay inay bixiso dhammaan awooddeeda si ay u caawiso Qadar.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Jassim Albudaiwi, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii gantaalaha ahaa ee Iran ay ku qaadday Qadar. “Weerarkani wuxuu ka dhigan yahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Qadar iyo khatar toos ah oo ku wajahan amniga dhammaan dalalka GCC,” ayuu yiri isagoo ku celiyay in amniga dalalka GCC uu yahay mid aan la kala qaybin karin, iyo in goluhu uu si midaysan u garab taagan yahay dalka Qadar si ay uga hortagto khatar kasta oo ku wajahan amnigeeda iyo midnimada dhulkeeda.

“Iyadoo dalka Qadar iyo dalalka GCC ay si adag u cambaareynayaan weerarada Israel ee ka dhanka ah dhulka Iran ayna ku dadaalayaan sidii loo heli lahaa xabbad-joojin iyo dhexdhexaadin, waxay la yaaban yihiin weerarkan gantaalaha ah ee Iran, kaasoo ka dhigan ku xadgudubka dhammaan xeerarka, heshiisyada, iyo sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Albudaiwi isagoo ku boorriyay beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaataan mas’uuliyaddooda ku aaddan cambaareynta falkan gardarrada ah. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu hor istaagayo ficillada mas’uuliyad-darrada ah ee Iran, iyo sidoo kale in laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa xasilloonida loogana hortagi lahaa xiisad dheeraad ah oo ka dhacda gobolka, lana qaato wada-hadal iyo diblomaasiyad si loo ilaaliyo amniga gobolka iyo nabadda dadkiisa.

Hay’adda Guud ee Duulista Hawada ee Kuwait ayaa ku dhawaaqday in si ku-meel-gaar ah loo xiray hawada Kuwait iyadoo ah tallaabo taxaddar ah oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga iyo badqabka dalka, marka la eego tallaabooyinka taxaddarka ah ee laga qaaday dalal dhowr ah oo deris la ah.

“Mas’uuliyiinta ay khuseyso waxay xaqiijinayaan in go’aankani uu yahay mid lagu ilaalinayo heerarka ugu sarreeya ee badqabka iyo amniga marka la eego isbeddellada gobolka,” ayay tiri hay’addu, iyadoo xustay in si joogto ah loola xiriirayo mas’uuliyiinta ay khuseyso ee heer maxalli iyo heer caalami si loola socdo isbeddellada loona qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Hay’addu waxay ugu baaqday dhammaan socotada iyo shirkadaha diyaaradaha inay la socdaan wararka rasmiga ah sida ugu dhaqsaha badan oo ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta ay khuseyso si loo fuliyo go’aankan iyadoo la tixgelinayo danta guud.

- Advertisement -

Read more

Local News