Xiisad ka dhex oogan dalalka Sacuudiga iyo Iran

Muqdisho( Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaacisay in xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka Iraan kadib weerarkii loo geystay safaaradii ay ku lahayd magaalada Tehran.

Go’aanka ay Sacuudiga ku jartay xiriirka kala dhexeeyay dalka Iraan, ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka arimaha dibada boqortooyada Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr oo sheegay in shaqaalaha safaarada Iraan ee Sacuudiga loo qabtay 48 saacadood inay kaga baxaan Sacuudiga.

Wasiirku wuxuu intaas kudaray in shaqaalihii safaarada Sacuudiga ee Iraan la soo daad gureeyay ayna hada ku soo wajahan yihii boqortooyada Sacuudiga.

Caadil Al-Jubeyr , ayaa wuxuu Iraan ku eedeeyay inay xasilooni darro ka abuureyso Sacuudiga iyo dalalka kale ee xulufada ay yihiin, islamarkaana aanay taasi aqbali karin Boqortooyada Sacuudiga.

Al-Jubeyr waxa uu sidoo kale sheegay in Iraan ay ku howlan tahay hubeyta ururada argagaxisada ku dhuumaaleysanaaya gudaha Sacuudiga, si ay falal ammaanka ka baxsan kaga gaystaan gudaha Sacuudiga iyo dalalka kale, ay saxibada yihiin.

Dhanka kale, Adel al-Jubeir, ayaa wuxuu Iran uu ugu baaqay inay joojiso faragelin uu sheegay inay ku hayso Sacuudiga iyo arrimaha kale ee dalalka Carabta, sida uu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com