Xog: Xasan Sh. oo qorshe lix qodob ah u degay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dejisay qorshe lagu dhisayo maamul goboleedka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ay gacanta ku heysaa gebi ahaan dhaqdhaqaaqa shirka iyadoo aanu jirin guddi farsamo.

Qorshahan oo ah qarsoodi ayaa waxaa isla meel dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa, waxaana ka mida:

1 – In Gobolka Hiiraan laga keeno ergo dhan 100

2 – In Gobolka Shabeelaha Dhexe laga keemo ergo dhan 100

3 – In Muqdisho iyo meelo kale ay ka yimaadaan ergo ka soo jeeda labada gobol oo dhan 100.

4 – In shirka uu furmo 5-ta Bisha Janaayo

5 – In muddo 45 casho ah lagu soo gabagabeeyo howsha maamul u sameynta labada gobol, lana doorto madaxweyne.

6 – Iyo in madaxweynaha la doorto uu ka qeybgalo shirka Istanbuul ee Febraayo ka dhacaya dalka Turkiga loogana hadlayo hiigsiga cusub.

Qorshahan oo bilaabanaya furitaanka shirka ee Talaadada, waxaa si xowli ah u wada wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana u xil saaran fulintiisa guddoomiyeyaasha labada Gobol ee Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe.

Lama oga sida uu ku hirgeli doono qorshahan, waxaase ka go’an madaxweyne Xasan Sheekh iyo C/raxmaan Odowaa in maamulka labadan gobol aanu ku qaadan waqti ka badan 45 casho.

Geerida maanta ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa laga cabsi qabaa inay dib u dhac weyn ku keento qorshahan, iyadoo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay dhibaato ku noqon doonto inu ergadii loo xil saaray soo diyaariyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com