Xog: C/Welli Gaas oo kulminaya Cali Maxamed Geedi, CC Sharmaarke iyo C/Welli Sheikh Axmed

Boosaaso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa la filayaa inuu tago magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo ay tagayaan masuuliyiin horey xilal kaga soo qabatay dowladihii dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu magaaladaasi kaga qeyb galayo xaflada furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo lasoo idleeyay wajiga koowaad ee dhismaha garoonkaasi.

Maamulka Puntland ayaa waddo dadaalo la doonayo in lagu daah furo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo muddooyinkaasi ay ka socotay dhisme balaarin ah.

Dhinaca kale wafdi ay kamid yihiin Ra’iisul wasaarayaal hore Cali Maxamed Geedi, C/welli Sheikh Axmed Maxamed ayaa tagay magaalada Garowe waxayna shalay ay tageen magaalada Gaalkacyo.

Labada ra’iisul wasaare ayaa la qorsheynayaa iney iyagana ka qeyb galaan xaflada lagu furayo  dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wajiga koowaad dhismaha magalada Bosaso ayaa diyaarsan dhabada ay diyaaraduhu ku ordanaan oo dhan labo KM iyo afar boqol oo mitir sidoo kale waxaa dayac tir lagu sameeyay aqalka loogu addeegayo shacabka, dhaqaalaha lagu dhisay qaybta koowaad waxaa Puntland ugu deeqay dowladda Talyaaniga xilligii uu Cabdiweli Ra’iisul Wasaaraha ahaa.