GEEDI, Baadiyoow iyo C/Weli Sheekh oo tagay Puntland (Maxaad kala socotaa qorshahooda?)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Laba ka mida Ra’iisal Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya oo kala ah Cali Maxamed Geedi iyo Cabdiweli Shiikh Axmed iyo siyaasiyiin kale ayaa shalay gaary magaalada Gaalkacyo ee gobolka Gobolka Mudug, iyadoo uu martiqaad u sameeyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Mas’uuliyiinta dowladda Puntland ee gobolka Mudug iyo kuwa maamulka degmada ee magaalada Galkacyo ayaa soodhoweeyey siyaasiyiintaani.

Siyaasiyintan ayaa socdaalkooda lagu sheegay inuu la xiriiro ka qeybgalka munaasabad lagu furayo garoonka diyaaradaha Boosaaso ee dhowaan la dhisay iyo xaflad kale oo lagu xusayo markii la doortay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo ku beegan 8-da Janaayo.

Siyaasiyiinta Garoonka magaaalada Gaalkacyo ka degay waxay u badan yihiin xubno gacansaar la leh Mudane Gaas, waxaana ka mid ahaa: Salaad Cali Jeelle iyo Cabdiraxmaan Baadiyow, waxaana ay ku sii jeedaan magaalada Garowe.

C/weli Gaas ayaa u dabaaldegaya xuska markii la doortay iyo mashaariic la furayo oo lagu soo beegay xafladaasi si waxqabadkiisa loogu daro.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com