R/W Cabdi Weli oo weerar ku qaaday dowladda!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi-wali Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu kalsoonida kawaayay BFS ka hadlay Siyaasada Somalia, gaar ahaan Fashilka DF ka heysta xaqiijinta hadafka Dowladnimo.

Cabdi-wali Sheekh Axmed oo wareysi gaar ah siinaayay mid kamid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in DFS ay ka gaabisay dadaalkii laga filaayay, islamarkaana ay madaxdu noqdeen kuwa aan kala dhamaan oo uu hareereeyay Khilaaf aan ka gudub laheyn.

Cabdi-wali Sheekh Axmed waxa uu sheegay in Khilaafyada ka dhex curta madaxda Qaranka uu sabab u noqday in dib u dhac uu ku yimaada qodobo muhiim u ah Siyaasada Somalia.

Khilaafyada madaxda Qaranka ayuu sheegay inuu gaaray heer aan ka kabasho laheyn, waxa uuna tusaalo usoo qaatay in Khilaafyada taagan ay sababtay in Madaxdu ay diyaarin la’ yihiin doorasho hal qof iyo hal cod ”

Cabdi-wali waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu yahay mid rumeysan in Somalia ay ka dhici karto doorasho ah One Man and One Vote, balse dhibta taagan ay tahay Khilaafyada qaar oo laga abuuro dhanka madaxda qaranka, taasi oo hoos ula degtay rajadii laga qabay dhicida doorasho waafi ah.

Xiliga doorashada One Man and One Vote ayuu sheegay in Somalia ay iminka ku jirto, waxa uuna dhaliilay qaabka ay u shaqeyneyso DFS.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Siyaasada Somalia ay tahay mid mugdi ku jirta taasina looga gudbikaro in laga shaqeeyo hirgalinta cadaalada iyo Siyaasad wanaaga.

Dhanka kale, Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Xassan ayuu ugu baaqay inay xal u helaan Nidaamka doorasho caadil ah oo ka dhacda Somalia, waxa uuna ku taliyay in Somalia la gaarsiiyo heerkii laga filaayay oo ah Dowlad dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com