Xasan Sheikh oo 2 arrin kusoo koobay siyaasada cusub ee uu adeegsan doono dhowaan (Aqri)..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in dalka Somalia kaliya uu dhabaha toosan ku gaari karo isku tanaasul iyo daacadnimo.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in DFS ay sameysay wajiyo badan oo ay xal ugu raadineyso Siyaasada Somalia, balse iminka meesha ay ka maqan tahay kaalinta Aqoonyahaanada iyo Shacabka Soomaaliyeed kuwooda da’da yar.

Wuxuu tilmaamay in ujeedkiisa uusan aheyn inuu iska fadhiyo kursiga, balse uu aaminsan yahay in wakhtiga uu hayo xilka uu Somalia gaarsiinkaro heer ay isku tashato.

Xassan Sheekh waxa uu carabka ku dhuftay in qorshihiisa Siyaasadeed uu yahay 2 arrin oo kala ah:

1- In mudada uu xilka hayo amaba xilka uu mar kale kusoo laabto uu Somalia gaarsiiyo dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, Siyaasada iyo in Somalia ay isku filnaato.

2- In xilka uu hayo uu ka dego haddii laga guuleysto doorashada soo socta si bedel loo helo islamarkaana Somalia ay u yeelato Mas’uuliyiin isaga ka tayo badan.

Xassan waxa uu cadeeyay in Siyaasada Somalia ay u baahan tahay in la helo dad ku shaqeeya daacadnimo iyo kalsooni dhex marto madaxda dalka iyo qeybaha kala duwan ee shacabka.

Docda kale, waxa uu ku baaqay in muhiim ay tahay in loo hogaansamo sharciyada dalka islamarkaana laga gudbo waxa uu ugu yeeray musuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com