Xog: Saraakiisha ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee Kismaayo oo madaxa isla galay kadib marki…

Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Khilaaf cusub uu durbadiiba ka dhex curtay Saraakiisha Hogaamineysa ciidamo Ethiopian gaaraya 250 oo la geeyay Kismaayo iyo kuwa Kenya.

Khilaafka labada dhinac ayaa ku saleysan cida sida tooska ah Saldhiga looga dhigi lahaa Dekada Kismaayo, waxaana la soo warinayaa in Saraakiisha Ethiopia ay ku doodayaan in ciidamadooda ay saldhig ka dhiganayaan Dekadda iyo dhamaan goobihii ay horay ugu sugnaan jireen Ciidamadii Siralyoon ee lagu bedelay.

Saraakiisha Ethiopia ayaa sidoo kale ku doodaya in qorshahooda Kismaayo uu yahay inay saldhig ka dhigtaan Dekada, haddii taasi la waayana ay dib ula laaban doonaan go’aankooda ku aadan xaqiijinta amaanka Kismaayo.

Saraakiisha Kenya ayaa dhankooda ku doodaaya in Dekada Kismaayo ay iyaga fariisin u tahay, Halka ciidamada Ethiopia ay fariisin uga naqoneyso Madaxtooyada Jubba iyo qeybo kamid ah Jazeerada Kudhaa.

Kenya ayaa dooneysa inay qabsato labada xarun ee ugu weyn sida Dekada iyo Kudhaa, waxaana arrinkaasi garab ku siinaaya maamulka Jubba oo si gaar ah u adeecsan dowlada Kenya.

Maamulka Jubba ayaa la sheegayaa in faragalin uu kusoo sameeyay Khilaafkaani la xiriira xarumaha ciidan.
Docda kale, Xiriirka Dowlada Kenya iyo Ethiopia ayan bilihii ugu danbeeyay aheyn mid wanaagsan waxa uuna dhowr jeer ciidamada labada dal uu iska hor imaad ku dhexmaray Xadka kala qeybiya labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com