Dagaal xooggan oo ka socda degmada Baraawe

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo degmada Baraawe kaasi oo u dhaxeeyo ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka socda xaafado ku yaala gudaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lagu soo waramayaa in dhawaqa rasaasta laga maqlayo xaafadaha magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo dowlada ka wada tirsan kuwaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay isku horfadhiyay bartamaha magaalada Baraawe.

Waxyaabaha dagaalka keenay ayaa lagu sheegay iney tahay in ciidamada labada dhinac isku heystaan gaadiid dagaal oo magalada dhawaan la geeyay, waxaana la ogaan karin qasaaraha dagaalka oo ah mid hadda socda.

Maxamed Shiino, afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka uu si xoogan kaga socdo bartamaha magaalada Baraawe, laakiin waxaa socdo dadaalo la doonayo in arintaasi lagu dhameeyo sida uu sheegay Shiino.

La soco waxa kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Hoose
Caasimada@live.com