Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo geeriyooday!

Beledweyne (Caasimada Online) – Alle ha u naraxiistee waxaa magaalada Beledweyne ku geeriyooday ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C.raxmaan Ugaas Khaliif isaga oo ku sugnaa isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah nabadooda magaalada Beledweyne ayaa xaqiijiyay geerida Ugaaska waxaana magaalada Beledweyne hadda ka socda diyaar garowga aaska Ugaaska iyadoo dadweynaha magaalada ay ka naxeen geerida ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif  ayaa ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne iyadoo maanta lagu waday in uu soo xiro shirkii Samadoon 2 oo maalmahaan ka socday magaalada Beledweyne shirkaas oo looga hadlayey aayaha iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan,

Ugaas Cabdraxmaan ayaa la sheegay in uu saaka ka qeybgalayay kulan muhiim ah kahor inta uusan geeriyoon, Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo xarun u ahayd ugaaska ayaa saaka waxa ka socota tacsi iyo baroordiiq.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com