Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo qarka u saaran iney dagaalaan & Kenyan la afduubay (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) – Xiisad dagaal oo u dhaxeyso ciidamada dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa ka taagan xuduuda ay wadaagaan labada dal, daqiiqado kadib markii ciidamada dowlada Ethiopia ay afduubteen ka geysteen Deegaanka Mooyaale.

Xiisada ayaa saaka dib usoo bilaabatay markii ciidamada dowlada Ethiopia ay afduub ka geysteen deegaanka lana afduubay labo ruux oo u dhalatay dalka Kenya oo ku sugnaa xuduuda ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Ciidamada dowlada Ethiopia ayaa weerar ku qaaday xaafada Bori ee deegaanka Moyale, taasi oo sii kicisay xiisadii dagaal ee u dhaxeysay labada dowladood ciidamada ka socda ee ku sugan xuduuda ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Kenya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha deegaanka Marsabit ee dalka Kenya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska dalka Ethiopia ay weerar ku qaadeen xaafada Bori oo ku taala dhanka xuduuda, iyaga oo afduubay labo Kenyan ah horeyna u qaatay labo qori.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay ineysan fahansaneyn ujeedada ciidamada dowlada Ethiopia ka leeyihiin werarka ka dhacay xuduuda xili ciidamada Kenya aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq.

Waxaa socday labadii bilood ee lasoo dhaafay wadahadalo diblumaasiyadeed oo u dhaxeeyay labada dowladood, oo la doonayo in lagu dhameeyo xiisada u dhaxeyso dowladaha Kenya iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya

Caasimada@live.com