Gudoomiyaha baarlamaanka K/G oo la doortay

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa soo idlaaday doorashada gudoomiyaha baarlamaanka maamulka koofur galbeed oo saaka ka bilaabatay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana u taagnaa labo musharax oo kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose.

Doorashada waxaa codadkooda dhiibanayay inka badan 130 xildhibaan oo kamid ah xildhibaanadii dhawaan uu soo dhameestiray maamulka Koofur galbeed oo uu madaxweyne ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay labada musharax gudoomiye baarlamaanka waxaana ay  galeen labo wareeg, iyadoomarkii tirinta la galay kadib la ogaaday ruuxa cod dheeriga ku guuleystay.

Wareegii koowaad ee Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu kala baxay sida ay shaaciyeen Guddiga qaban qaabada Doorashada maanta ka dhaceysay Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo doortay Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa oo helay codad gaaraya 109-cod halka musharaxa kale Cismaan Cali Xasan uu isna helay codad gaaraya 33-cod.

Waxaana durba la galay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com