Harriet Mathews iyo Xaamud oo kulan isku arkay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Dugsiga Gen Kaahiye ee Magaalada Muqdisho gaaray Safiirka Boqortooyada Britain u fadhiya dalka Somalia Ms Harriet Mathews.

Ms Harriet Mathews ayaa waxaa Xarunta kusoo dhaweeyay Taliyaha Boliiska Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxa ayna soo dhaweyn kadib hal hal u booqdeen Xafiisyada iyo hoolalka Dugsiga.

Ms Harriet Mathews ayaa ka xog wareysatay Taliyaha qaabka loola tacaamulo ciidamada Booliska xiliyada ay ku guda jiraan tababarka iyo wakhtiga ay dhameystaan tababaradooda.

Waxa ay diiwaan gishatay baahiyaha ciidamada iyo waxyaabaha uu taliska u baahan yahay in Britain ay ka saacido, waxa ayna Ms Harriet Mathews bogaadisay qaabka ay Dowladu u taabagalineyso tayayna ciidamada.

Gen Maxamed Sheekh Taliyaha Boliiska Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Britain sida ay xad iyo jeer u garab taagan yihiin dadka Soomaaliyed gaar ahaan Ciidamada Boliiska iyo kaalinta UK ka qaadanayso tababarada Ciidamada Boliiska Soomaaliyed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
xamud1

xamud2

xamud3

xamud4

xamud5

xamud6