Sacuudiga oo codsi ku aadan dhacdadii lagu laayay qaxootiga Soomaaliyeed u dirtay QM

Jeddah (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan la duqeeyey doon ay saarnaayeen xaqooti badan oo kamid ah Soomaaliya waxaana  duqeyntaas lagu dilay ku dhawaad 40 qof oo Soomaali, waxaana lagu eedeeyey inay falkaan geysatay dowladda  Sacuudiga

Haddaba Sacuudiga iyo Isbaheysiga uu hogaamiyo ayaa Qaramada Midoobey ka dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhacdadii lagu dilay dadka Soomaaliyeed ee marayay xeebaha dalka Yemen, waxayna ku tilmaamtay inuu fal xun oo aan ka suurtageli karin Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay isbaheysiga ayaa lagu sheegay in dilka dadkaasi ay tahay wax laga xumaado ,islamarkaana eedeynta ugu badan loo soo jeediyay Isbaheysiga Sacuudiga ayna Qramada Midoobay ka dalbadanayaan in ay baarayaal u dirto goobta ay wax ka dhaceyn si loo xaqiijiyo cidda rasmiga ah ee falkaan geysatay.

“ Waxaan maqalnay in  weerarkaas lagu fuliyey diyaarad Helicpter ah, isla markaasna lagu eedeeyey dowladda Sacuudiga inay ka dambeyso, haddaba si arrintaas loo baaro waxaan qaramada Midoobay ka codsaneynaa inay baaritaan deg deg ah ku sameyso falkii naxdinta lahaa ee xaqootiga Soomaaliyeed lagu laayey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Sacuudiga.

Saxaafadda gudaha iyo kuwa caalamka ayaa dhammaantood isku raacay inay falkaas ka dambeeyaan guutada ay hoggaamiso dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wado dalka Yeman inkastoo ay iyada iska bari yeeshay.

Dowladda Soomaaliya ayaa oo ka mid ah Isbaheysiga uu sacuudiga hogaamiyo ayaa si deg deg uga dalbaday dowladdaha Yemen iyo sidoo kale Sacuudiga in ay ka bixiyaan jawaab xasuuqii loo geystay Qaxootiga Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com