Ku dhawaaqista wasiirada oo gebo gebo ah iyo xog laga helay goorta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa hadda lasoo sheegayaa in ku dhawaaqista golaha wasiirada ay mareyso meel gebagabo ah isla markaasna waxaaba waqtiga uu sharciga u leeyahay Ra’isulwasaaraha ka dhiman muddo 3 casho ah.

Haddaba wararka laga helayo madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinayo in marxadladii ugu dambeeyey uu marayo ku dhawaaqista golaha wasiirada ee laga sugayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wararka ayaa sheegayo in ugu dambeyn in la filayo in golaha wasiirada lagu dhawaaqo maanta gelinka hore ama gelinka dambe ilaa habeenkii, waxaana diyaar garaw weyn ku jiro saxaafadda Soomaaliya oo isku diyaarinayo xafladda ku dhawaaqista golaha wasiirada.

Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ayaa gebi ahaanba kusoo idleeyey wadahadaladii ay kula jireyn beelaha Soomaaliya waxaana hadda xogta sheegeysaa in la diyaariyey guud ahaan liiska golaha wasiirada.

Wajiyo cusub ayaa ku soo biiri doona Golaha Wasiirada, kuwaasoo noqon doona dad qaarkood aad loo yaqaano, xilal aan Wasiir aheyn soo qabtay, waxaana tirada Golaha Wasiirada ay noqon doonaan 25 Wasiir, waxaa sidoo kale la sheegayaa inay jiri doonaan dhowr Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

Liiska golaha wasiirada ayaa gebi ahaanba la xiray markii lasoo dhameeyey waxayna madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha diideyn inay cid kale la kulmaan si looga wadahadlo wax ku saabsan golaha wasiirada, haddii qof lagu dari lahaa iyo haddii qof laga saari lahaa waxaana la filayaa in maanta lagu dhawaaqo.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo in liiska golaha wasiirada ee maalmihii hore la diyaariyey lagu sameeyey wax ka badal weyn waxaana meesha laga saaray dad horey loogu qoray iyadoo lagu soo daray kuwa cusub.

Sida aan warbixinadii hore idinkula wadaagnay madaxweynaha ayaa mar kale Siyaad Barre barbareyn doono isagoo dhulka ka dhoofi doono marka lagu dhawaaqo golaha wasiirada, wuxuuna maqnaan doono muddo 3 casho ah waana tabtii uu sameyn jiray Allaha u naxariistii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com