Dowladda Itoobiya oo diyaarado hubsido ka dajisay 3 maamul Goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogeystay wararka sheegayo inay Dowladda Itoobiya asbuucii lasoo dhaafay hub tiro badan ka dajisay Gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxayna hubka usoo daad gureysay si aan horay loo arag.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa taliska melleteriga Xabashida ee Soomaaliya ku sugan ku amartay in ay hubeeyeen sedax maamul goboleed oo kajira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Diyaarado saanado melleteri sida ayaa ka degay garoomo diyaaradeed oo kuyaal magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee dalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka Axmed Madoobe uu helay laba diyaaradood oo ay ku raraanyihiin hubka nuucyadiisa kala duwan iyo rasaas.

Hubka oo isniintii lasoo dhaafay ka dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo ayay ciidamada Itoobiya ku daabuleen gaadiid qafilan kadibna waxay ku wareejiyeen saraakiil katirsan maamulka ‘Jubbaland’ ooo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Sidoo kale diyaarado hub siday ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha maclmalka degmada Baydhabo ee gobolka Baay waxaana hubkaas loo gacan geliyay saraakiisha maamulka Shariif Sakiin.

Hubka Itoobiya ay siisay maamulka ‘Koonfur Galbeed’ ayaa la sheegay in uu ka badanyahay hubka lasiiyay Axmed Madoobe, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamo Soomaali ah oo ku sugan degmooyinka Xudur iyo Bardaale ay Itoobiya ku wareejisay rasaas iyo qoryo gacmeedyo aad u farabadan.

Dhanka gobollada dhexe saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan degmada Balanballe ee gobolka Galguduud ayaa Ahlusunna ku wareejisay saanado melleteri.

Hubka oo gaadiid shareecan loogasoo daabulay degmada Balanballe waxaa lageeyay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay ka arrimiyaan kooxda Ahlu Sunna.

Warar kale oo lagasoo xigtay dad ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Buurta Janta kuundisho duleedka Magaalada Beled Weyne ay rasaas iyo qoryo gacmeedyo aan badneyn ku wareejiyeen maamulkaHirshabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com