Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnuucay cayaaryahaano u dhashay Israel

Riyadh(Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa mamnuucday in dalkeeda ay galaan Ciyaaryahaano u dhashay Isreal, kadib markii Safaarada Boqortooyada ee Israel ay diiday inay bixiso Fiisaha dal ku galka.

Boqortooyada Sacuudiga ee Israel ayaa sheegtay inaanu suuragal aheyn in dalkeeda ay galaan Ciyaartooydaas oo tiro ahaan dhan 7, xili ay jirto xiisad u dhexeysa dunida Muslimka iyo Israel.

Cayaaryahanadan ayaa doonayey inay ka qeyb galaan tartanka cayaaraha Speed chess championship oo daba yaaqada bishan lagu qabanayo dalka Sacuudiga.

Cayaaryahaanadan ayaa u muuqanaaya kuwa aan ka qeybgali doonin tartanka, waxaana sabab looga dhigay xiisada dunida muslimka kala dhexeysa dowlada Israel oo garab ka heleysa Mareykanka.

Dowlada Sacuudiga iyo Israel ayaa xiligaan isaga soo  dhawaaday halkii hore uu u gaarsiisnaa xiriirka waxaana u sabab ah in arrinta Qudus oo ay kaalin ka qaadaneyso Sacuudiga.

Dhinaca kale, Xukuumada Israel ayaan weli ka hadal talaabada ay Sacuudiga uga mamnuucday dalkeeda Cayaaryahaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com