GEDO ma garab la’aan baa? (Maxaa gardarada loogu fiirsanayaa)

Doonitaankii xornimada waxay umadda Soomaaliyeed ku weysay naf iyo maal badan, nasiib darase, waxay qaranimadii ay mudada dheer halganka ugu soo jirtay ku lumisay si fudud.

Ilaa iyo markii la waayay qarankii Soomaaliyeed ee ay Soomaalidu cisada iyo sharafta ku laheyd oo waliba adduunka oo dhan sida weyn looga heybeysan jiray ayaa waxaa soo ifbaxay wadani xumada muwaadinka Soomaaliyeed, taasoo cadawgeeda ku dhiiri galisay in uu si an gabasho laheyn iskugu dayo in dhulkeeda weerar kusoo qaado bad iyo barri ba.

Nasiib darada ku dhacday ciidda, calanka iyo shacabka Soomaaliyeed ma ahan mid lagu soo koobi karo hal bog, balse hadda waxay si gaar ah qormadeydaan ku qotontaa  dhul-boobka ka socda xadka u dhaxeeya Somalia iyo kenya qaasatan degmada Beled-xawo.

Dowlada kenya ayaa gardarro cad ku soo qaadey degmada baled-xawo waxeyna doonayaan in ey xaafado dhan oo ka tirsan degmada ey burburiyaan kuna sheegaan in uu yahay dhulkooga. Waxaa xusid mudan in goobaha ey rabaan in ey burburiyaan ey ku jirto xafiisyada dowladda qaasatan qeybta waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee degmada ayagoo ku sheegay in uu yahay dhulkooga.

Inkasta oo ay muuqato in wadamada sida gaarka ah horarka ugu ah BADDA IYO DHULKA soomaaliyed misana hamiga ka leh  ay yihiin kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ee iska dhigaya in ay Soomaaliya caawinayaan, haddana waxaa cad in ay Kenya tahay tan ugu horeysa weerarka socda ee la rabo in qeyb dhulka Soomaaliya ka mid ah lagu xalaaleysto.

Kenya oo ay boqortooyada Ingiriiska u gacan galisay gobolka Northern Frontier District (NFD) oo hada loo yaqaan North-eastern province intii u dhaxeysay sanadihii 1954-1959, ayaa waxay hadda rabtaa in si sal-ballaarsi ah ay  ku xalaaleysato qeybo ka mid ah gobolka GEDO qaasatan  degmada Beled-xawo  oo ah dhul ahmiyad weyn u leh umadda Soomaaliyeed.

Hamiga ay wadato Kenya ee dhabta ah ayaa ah in ay sheegato qeybo ka mid ah gobolka Gedo  iyo in qabiilada la rabo in dhulkooda la qabsado kadibna la kala qeybiyo, dabadeedna markay iyaga is nacaan oo midiyaha isu qaataan si dhib yar muraadka laga leeyahay looga gaaro.

Siyaasadda noocaan ah oo ay Kenya ka baratay gumeystaha soo abaabiyay ilaa iyo iminkana gacanta ku hayo ee Ingiriiska, ayaa waxay ku dhisan tahay qadiyad xeeladeysan oo ujeedkeedu yahay qeybi oo qabso “Divide and conquer” ama qeybi oo xukun “Divide and rule.”

60 sano kaddib markii uu Ingiriisku bilaabay in uu NFD raaciyo dhulka Kenya, mar kale, waxaa socota in qeybo ka mid ah gobolka Gedo lagu darsado NFD oo iyadu gacan ka baxeedii kaddib aanay ilaa iyo hadda cidina wax iska weydiin.

Rabbi mahadi haka gaartee, damacaan waalan ee Kenya ee dhul boobka ku dhisan waxaa si wada jir ah uga hor yimid shacabka  gobolka gedo iyo mas’uuliyinta ku dhaqan degmada walow eysan wali cod dheer ku hadlin .

Balse arrinta ammakaaga kuridey shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa ah in bulshada soomaaliyeed eysan ka dhiidin sidii laga filaaaye balse sheekadan waxey nasoo xasuusisay sheeko iskuulaadka naloogu dhigi jiray oo ku saabsaneed “SADDEXDII DIBI IYO LIBAAXII SAAXIIBAY” taasoo aan filaayo in inta badan dadka wada garanayaan balse ey lama huraan tahay inta aan aqoon in aan u sheego waxeyna aheyd sida tan

Seddex dibi oo kala ahaa dibi cad, mid cas, ama guduudan  iyo mid madaw waxaanay ku noolaayeen  meel kayn ah  waxa ay keyntoodan daaqaanba maalin maal maha kamida ayaa  waxa uyimid libaax  aar ah  oo saxiib la noqday  seddexdii dibi waxay ku tashadeen in ay cidlada iska  weheshadaan maalin kadib ayaa dibigii cadaa oo daaq ku maqan libaaxii la hadlay labdii kale waxaanu yidhi waxaan rabaa in aan kawada hadalno arin inoo gaar  Iyana waxay yidhaahdeen waan kawada hadli karnaa ee soo wad, wuxuuna  yiri meesha aan joognaa waa kayn cidlo ah waxaana loobaahan yahay in aan feejignaano dibiga cadna midabkiisa ayaa nalagu soo raacayaa marka aan iska erino, waxayna labadii kale yiraahdeen walibana aad ayuu udhalalaalayaa ee aan hore iskaga erino.

Hadaba dibigii  cadaa ayaa la eryay maalin kadibna libaxii ayaa cidlo kahelay oo cunay,

muddo kadib ayaa libaaxii la sheekeystay dibigii guduudnaa/ casaa  wuxuuna yiri war dibigan madaw maalintii ayuu dhalaalayaa ee aan iska ceyrino waxanu yiri waa runtaa walibana aad ayuuu udhalaalayaa ee aan iska ceyrino,

kadib  sidii dibigii cadaa loo eryay ayaa kii modaabaana loo eryay kadibna libaaxii ayaa cidlo kahelay oo cunay

Maxaa soo haray? Waxaa soo haray dibigii guduudnaa /casaa, libaaxii ayaana  cunay . markasuu yiri “manta maan dhimane waxaan dhintay malintii  la cunay dibigii cadaa”. 

Soomaaliyey Sheekadani waxay inoo muujinaysaa in manta hadii laga aamuso arrinta ka socoto degmada Beled-xawo  ay nagu dhici doonto tii ku dhacdey dibidii libaaxu midba meel ku cunay barina ey ku xigi doonto meelo badan oo soomaliya ka mid ah.

Sidaas darteed waxaan ku baaqayaa in soomali weyn aan loo kala harin ficil ka qaadashada dhul-boobka gurracan oo ey wado kenya, maxaa yeelay  gacmo wadajir bey wax kugooyaan, iskaashiguna wuu wanaagsan yahay  waxaana loo baahn yahay in lays kaashado oo gacmaha lays qabsado si wax loo wada qabsado horumarna loo gaadho aduun iyo aakhiraba.

W/Q :-    DUCAALE SHALLE AXMED (Mr D-man)
EMAIL:  duceysane18@gmail.com / duceysane18@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid