Baydhaba oo marti galineysa shir cusub oo muhiim ah iyo Jawaari oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shirka Guddoomiyayaasha Golaha BFS iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Shirkaan oo diirada lagu saari doono arrimo dhowr ah ayaa waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’.

Mahad Cabdalla Cawad, oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in shirka ka furmaayo magaalada Baydhabo lagu sii qorsheeyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Cawad waxa uu sheegay in dhinacyada xooga lagu saari doono ay kamid yihiin dajinta sharciyo ay kuwada shaqeynkaraan BFS iyo baarlamaanada kale ee maamul Goboleedyada.

Sidoo kale, waxaa saaka aad loo adkeeyay amniga magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo wadooyinka ugu muhiimsan lagu arkaayo ciidamo farabadan oo baaraaya gaadiidka.

Dhinaca kale, shirkan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo magaaladaasi ay ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka BFS iyo Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada ka jira dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com