Hooy uu lahaa madaxweyne oo dab la qabadsiiyay iyo Ilaaladii joogtay oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo falaago u adeega Mucaaradka dowlada Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa gabi ahaan gubay Hooyga Madaxweynaha waddankaasi Mr Joseph Kabila.

Kooxdan ayaa dab qabadsiisay Hooyga Joseph Kabila xili uu ka maqnaa, waxaana lagu baraarugay isagoo dhinac dhan ka ololaaya kadib markii ay gaaren gaadiidka gurmadka.

Kooxdan ayaa inta uu ololka socday toogasho ku dishay Ilaalada Hooyga joogay oo kamid ahaa Booliska, kuwaa oo meydkooda laga qaaday goobta.

Hooyga Mr Joseph Kabila ee la gubay ayaa ku yaalla gobolka Waqooyiga Kive kaas oo dabku uu baabi’iyay gabi ahaanba.

Sarkaal ka tirsan milateriga Koongo ayaa sheegay in koox maleeshiya ah ay isku dayayeen inay xadaan hantida taalay guriga balse markii ay ku adkaatay ay maciin bideen inay gubaan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha waddankaasi Joseph Kabila ayaa wajahayay dibadbaxyo baahsan oo qaar ka mid ah ay ka dhacayeen gobolka Waqooyiga Kivu.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com