Xildhibaanada HirShabelle oo go’aan ka gaaraya wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle uu ka dhaco kulanka Golaha baarlamaanka maamulka oo ka duwan kuwii hore.

Kulanka oo xiisad gaara leh ayaa waxaa baarlamaanka lagu horgeyn doonaa Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada ayaa kulanka codka kalsoonida ah kusiin doona Golaha Wasiirada oo dhawaanahaani magacaabidooda ay ka taagneyd dood.

Maxamed Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa sheegay in saakay Golaha Wasiirada la horgayn doono Baarlamaanka.

Waxa uu horgeynta ku sheegay in Golaha Wasiirada loogu raadinaayo codka kalsoonida, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanka rajo ka muujiyay in maanta la ansixin doono Golaha Wasiirada uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay sheegay inaanay codkoodu siin doonin Golaha Wasiirada oo ay ku eedeeyen inaan lagu soo xulin cadaalad.

Docda kale, kulamo gaar gaar ah ayaa Saaka ka socda Madaxtooyada HirShabelle kaa oo u dhexeeya Wasiirada cusub iyo Xildhibaanada maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com