Taliye lacag badan ku xaday saxiixa madaxweynaha oo xabsi la dhigay + Magaca

Bosaso (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe waxaa xabsi la dhigay Taliyaha laanta ilaalada cashuuraadka maamulka Puntland Axmed Cabdi Sugulle.

Xariga Taliyaha ayaa yimid kadib markii uu si qarsoodi ah ugu shaqeystay saxiixa Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo sharci daro ah.

Taliyaha Xabsiga la dhigay ayaa la xaqiijiyay inuu ka been abuuray saxiixa Madaxweyne  Gaas, isla markaana uu ku dhacay dhaqaale xoogan oo dhanka canshuurta ah.

Ciidamada amaanka oo amar lagu siiyay xariga Sarkaalkaan ayaa waxa ay ku xireen xabsi ku yaala Magaalada Garoowe, waxaana ku socota baaris lagu sameeynayo sida ay sheegen Saraakiisha Hay’adaha amaanka maamulka Puntland.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in lacagaha ugu badan ee lagu dhacay saxiixa Madaxweynaha maamulka ay tahay mid lagu uruuriyay qaab canshuur ah, waxaana arrintaa fashiliyay Askari ilaali u ahaa Taliyaha.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa horay ugu goodiyay inay sharciga marin doonaan cid waliba oo sifo musuq ah ku qaadata Hantida maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@liveo.com