Sawirro: DFS oo ugu danbeyntii 27-sano kadib Muqdisho ka hirgalisay xarun muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa manta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka hirgaliyay Xarun lagu xanaaneeyo carruurta ay ka dhinteen Askarta Booliska.

Munaasabad xariga looga jaraayay xarunta ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana Xaruntaasi xariga ka jaray Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow.

Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaayay ku-simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax, La-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Wasiirka amniga ayaa goobta ka sheegay in Taliska uu xaruntaan yeelanaayo mudo 27-sano ka dib, waxa uuna sheegay in carruurta ay heli doonaan daryeel gaar ah.

Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse.

Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah, Iskuul wax lagu barto, Dugsiga Qur’aan, Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah.