Aragti ururintii ugu horreysay ee laga sameeyey todobo arrin oo Mucaaradka waji gabax ku ridday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Aragti ururintii ugu horreysay ayaa la sameeyey tan iyo markii ay si toos ah isugu dheceen Dowladda Federalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Tvga Universal ayaa barnaamij ay ugu magic dareen Arrimaha Soomaaliya waxa ay khadka u fureen shacabka Soomaaliyeed si ay aragtidooda uga dhiibtaan arimaha taagan ee la xiriira siyaasadda dalka.

Dadka ka qeyb qaatay aragti ururintan ayaa ka jawaabay suaalo ay mid yihiin:

  1. Sidee u aragtaa shaqada ay hayso dowladda federaalka ah?
  2. Xagee ka jiraan daldalooda dhaliyey xiisadda siyaasadeed?
  3. Soomaaliya halkee ku socotaa ?
  4. Sidee dadka Mucaaradka ah iyo Muxaafidka ay wax u wada dhisi karaan?
  5. Maxay tahay dhaliisha ay leeyihiin Mucaaradka iyo Dowladuba?
  6. Maxay Tahay masuuliyadda mucaaradka?
  7. Soomaaliya side uga gudbi kartaa dhibaatooyinka jira ee la xiriira siyaasadda?

Aragtiyaha barnaamijka lagu soo bandhigay ee muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ah tan uu kaga qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegay in dowladda hatan jirta ay samaysay wax qabad muhiim ah loogana fadhiyo in ay sii la laabto waxqabdkaas, balse looga baahanyahay shacabka in ay garab ku siiyaan shaqadan dastuuriga ah.

“Waxay ku xirantahy in shacabku ay gacansiiyaan dowladda, Siyaasiyiin hadii ay yihiin iyo haddii ay dadweynaha kale yihiin. Waa in ay lashaqeeyaan, haddii ay khalad gasho waa in la saxo oo lagu dhaho khaladdaadkan iska sax, wixii wanaagsanna in dhinacyada laga istaago oo lala qabto.”

Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa ka digey in ay sii socdaan isqabqabsiga soo jireenka ah ee rakaadiyey hor-u-socodka dalka isagoona si kulul u dhaleeceyey qorshayaasha ay wadaan mucaaradka haatan ka jira Soomaaliya.

“Mucaarad in la noqdaa waxa ay tahay  markii wax aan fiicnayn dowladdu samayso in laga saxo oo laga toosiyo, balse mucaarad ban u noqonayaa si aan anigu dowlad u dhisto ama aan wax u noqdo ma ahan wax la arkay, wax macno lehna ma ahan. Taas mucaaradnimo lama yiraahdo ee waa qof daneysta ah oo aan danta Qaranka ka shaqeyneyn.”

Sidoo kale, Raiisul Wasaarihii hore ee Xukuumaddii Kumeel-gaarka ahayd Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in ay ilaashadaan dowladnimadooda melena iska dhigaan danahooda gaarka ah si looga wada shaqeeyo Soomaaliya oo dib ugu soo laabata booska ay ka daagneyd Afrika iyo caalamkaba.

“Waxaan arkaa ka siyaasi ahaan, in dowladdan curdunka ah lagu bilaabay markii la dhisayba jellaafooyin iyo in loo dhigo qodxo iyo masaamiir si aysan horey ugu socon, nasiib darro ayaan u arkaa arrinkas. Waxaan kula talinayaa umadda Soomaaliyeed meel kasta oo la joogo in laga waantoobo in umadda dib loogu celiyo dhibaatadii gaamurtay ee ay soo martay.”

Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Dolwadda Federaalka ah ayaa ka fogeeyey Golayaasha Baarlamaanka eedaymaha joogtaa ah ee shacabka uga imaanaya kuwaas oo sheegaya in ay ku qaraabtaan mooshinnada iyo qalaalasaha siyaasadee.

“Wax la mucaarado uguma horreeyo Madaxweynaha iyo Wasiir. Waxaaba jira shakhsiyaad raba in ay Barlamaanka magaca ka dilaan. Waad ogeyd markii Baarlamaanka la soo dooranayey ugu yaraan 1800 ayaa u tartantarty, marka dadkii iyo in kale oo hada hammuum u qaba in ay xildhibaanno noqdaan oo Baarlamaanka niyadda ka dilaan ma ahan wax soconaya, wax shacbkuna yeelaayaan ma ahan.”

Dad kor u dhafaaya tobeneeye qof ayaa khadka taleefanka aragtidooda ka dhiibtay taas oo lagaga qiyaas qaadan karo guuxa ay ka qabaan shacabku xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Maxamuud Cabdi, Mahad Ajuuke, Maxamed Jaamac, Maxamed sheekh  Cabduqaadir.Sahro Cabdi iyo Mustaf waa Daawadayaal dhamaantooda waxa ay isku aragti ka yihiin in la taageero Dowlada Madaxweyen Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Hogaaminaayo oo ay sheegeen in muddo la sugaayay Dowlada ku timid rabitaanka Shacabka iyagoo sheegay in mucaaradka haatan jira uu yahay kuwo dano gaar ah wata.

Soomaaliya halkee ku socotaa?

Maxamuud Cabdi Maxamed oo ku sugan Soomaaliya ayaa ka qeybgalkiisa barnaamijka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan meel fiican wax marayaan balse ay jiraan shakhsiyaa isku tilmaama mucaarad oo u adeegaya dalal shisheeya sida uu sheegay.

Sahra Cabdi oo iyaduna kasoo hadashay dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku jawaabtay “Soomaaliya manta aad iyo aad ayaanugu faraxsannahy meesha ay taagantahay, sababtuna waa isfahanka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha iyo sida ay uga shaqeynayaan danaha Soomaaliya.”

Balse, hadalkan waxaa si weyn uga soo horjeestay Cabdi Weli oo jooga UK isaga oo yiri: “Dowladdinimadu ma ahan mid ku dhisan qof hadii qof xumaadey ma ahan in la dhaho dowladda baa la duminaya, hadii Farmaajo loo arko in uusan ahayn kii shalay Xildhibaannadu waa badeli karaan.”

Hadalkan oo ay si weyn u dhaliileen qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha dooda oo sheegay in ay Soomaaliya aysan ku jiri Karin maalin walba in hoggaanka loo badalo sababo ay ka muhiimsantaahy danta guud iyo wax qabadyada kale ee ay samaysay dowladdu.

In kastoo arrimaha qaarkood lagu kala aragti duwanaa hadana dadka ka qeyb galay doodaan tooska ah ayaa u mooqday kuwo aad u dhaliishan mucaaradka oo mararka qaarkood ay ku tilmaamayeen kuwo aan wadin danta shacabka Soomaaliyeed.

“Dadka Mucaaradka ah waa dad iyagu wata dan gaar ah, waayo dadkan waa kuwii hore ee shalay xilalka hayey Wasiir ha ahaado ama Raiisul Wasaare ha ahaado mana ahan dad aan mucaarad ku tilmaami karno, waayo kaalintoodii waa qaateen, daacad kama ahan haatan in ay wax toosiyaan ee in ay wax kharibaan ma ahane.” Ayey tiri Sahro Cabdi oo ku sugan Dalka Sucuudiga.

Maxay Tahay masuuliyadda mucaaradka?

Suaashan oo la weydiiyey daawado lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Dheere oo jooga dalka Swedhan ayaa waxa uu sheegay in masuuliyadda ka hor ay yeeshaan mucaaradku qorshe iyo siyaasad ay ka warqabaan shacabku ee aysan caaeysan tallaabo kasta oo dowladdu ay qaado in ay dhaliilaan oo kaliya.

“Dadka Mucaaradka ah malahan qorshe cad oo ay u soo bandhigeen dadka hadana qof kasta oo taageersan markii aad waydiiso sababta uu utaageersanyahay waxa ay ku soo biya shuban hab Qabiil taasna waa midda meesha ina dhigta.”ayuu yiei daawadahaasi.

Maxaa keeni kara in qof Soomaali ah oo siyaasi ah ama ganacsade ah ama aqoonyahan in uu dalkiisa houmarkiisa ka shaqeyn waayo?

Mahad Ajuuke oo jooga Norway ayaa kaga jawaabay “Waxaa keeni kara qof calooshiis u shaqeysta ah oo fiirinaaya hungurigiisa uun, Mustaqbalkiisa iyo carruurtiisa aan ka fakareyn kaliya hungurigiisa wixii mari lahaa fiirinaaya laakiin dowladnimada qiimaha ay ku fadhido aanan garaneynin.”

Xalku Muxuu ku jiraa?

“Mucaaradku waa in ay noqdaan dad wadaniyiin ah oo ku dadaalaya horumarka dalka daacadna ay ka tahay sixidda iyo toosinta dowladda kana dheeraadaan xifaaltanka iyo weerarka ay ku hayaan dowladda.”ayey kaga jawaabtay Sahra Cabdi oo barnaamijka ka qeyb qaadatay.

Sidoo kale, Fikirkan waxaa qabay inta badan siyaasiyiinta iyo dadweynaha ka qeyb galay dooda oo uu ka mi ahaa Cabdirixmaan Maxamuud Cali oo ku sugan Caasimadda Wales.

“ Dhibaatooyinka jira waxaa lagaga bixi karaa in gacanta la isqabsado oo Soomaalidu ay u jeesato dowladinimada. Inagu dad wadaniyiin ah ma nihin, qof kasta waxaa muhiim u ah dantiisa gaarka ah iyo danta qabiilkiisa.”

Doodaan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee muujisa sida ay u taageersanyihiin inta baan shacabku Xukuumadda iyo guud ahaan dowladda tan iyo markii ay sii ifbaxeen qorshayasha mucaaradka iyo dhacdooyinka ka dhashay waxaana si cad u muuqatay in 99% dadka aragtidooda dhiibtay ay u janjeereen dhanka dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com