Sacuudiga oo dalkiisa ka manuucay muwaadiniinta labaatan dal (Aqriso liiska)

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhaawaqday inay dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan muwaadiniinta ku dhawaad 20 dal, kuwaasi oo ay ku jiraan Imaaraatka Carabta iyo Masar, sida lagu sheegay war kasoo baxay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga.

Dalalkan ayaa waxa muwaadiniintooda looga mamnuucay Sacuudiga sababo la xiriira ka hortaga fiditaanka cudurka Coronavirus, oo muddooyinkii dambe u muuqday mid kusoo labo kacleynaya dunida.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga xayiraada lagu soo rogay dalalkaas waa mid kumeel gaar ah oo si rasmi ah u dhaqan-galeysa maanta oo Arbaca ah.

Dalalka uu albaabada ka xirtay Sacuudiga, ayaa waxa ay kala yihiin: Argentina, Brazil, Egypt, France, Germany, India, Indonesia, Ireland, Italy, Japan, Lebanon, Pakistan, Portugal, South Africa, Sweden, Switzerland, Turkey, Imaaraadka Carabta, the UK iyo Mareykanka.

Arrintan ayaa sidoo kale waxay saameyn doonta dadka socdaalka kusoo maraya dalalkaas kor ku xusan ee raba inay galaan Sacuudiga, maadama ay dowlada Riyadh xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dalalkaas.

Kiisaska cudurka Coronavirus ee Sacuudiga ayaa maalmihii udambeeyay sarre u kacay, iyada oo la diiwaan geliyay in ka badan 368,000 oo kiisas ah iyo dhimashada 6,400 qof, midaasi oo soo dadajisay xayiraada ay maanta ku dhawaaqday.