Sacuudiga oo jawaab adag ka bixiyey hadalkii Trump, kuna hanjabay aargudasho

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa jawaab ka bixiysay hadalkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa inuu ciqaabi doono haddii ay caddaato inay dileen suxufi Jamal Khashoggi, oo aan la arag laba toddobaad tan iyo markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

“Saudi Arabia ayaa tallaabo kasta oo ka dhan ah oo la qaado waxa ay kaga aargudan doontaa mid kasii xoog badan” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay wakaaladda wararka dalkaas oo u muuqday inuu jawaab u ahaa hanjabaaddii Donald Trump.

“Boqortooyada Sacuudiga ma aqbaleyso wax hanjabaad ah” ayaa lagu yiri qoraalka wakaaladda wararka SPA, oo aan lagu magacabin mas’uul dowladeed.

Saamiyada shirkadaha Sacuudiga ayaa maanta lumiyey boqolkiiba toddoba qiimahooda, ayada oo maal-gashtayaasha ay ka walaacsan yihiin tallaabo laga cabsi qabo in Mareykanka uu ka qaado Sacuudiga.

Wareysi uu siiyey barnaamijka “60 Minutes” ee taleefishinka CBS, ayaa Trump waxa uu cadaadiska kusii kordhiyey Riyadh, isaga oo wacad ku maray ciqaab xanuun badan, haddii madax dalka Sacuudiga ay ku lug yeeshaan waayitaanka suxfi Jamal Khashoggi.

“Dhaqaalaha Sacuudiga waxa uu saameyn xooggan ku leeyahay kan dunida, sidaas darteedna dhaqaalaha boqortooyada waxaa saameya kaliya kan dunida” ayaa lagu yiri qoraalka boqortiooyada Sacuudiga ay soo saartay.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com