Aqri: NISA oo gacanta ku soo dhigtay dhagarqabe maleegayey qaraxyo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – War ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Hay’addu ay gacanta ku dhigtay dhagarqabe qorsheynaayay Qaraxyo uu ka fuliyo Muqdisho.

Hay’adda ayaa sheegtay in dhagarqabaha ay kusoo qabatay howlgal ay ka fulisay deegaan kaabiga ku haya Ex-koontorool.

Qoraal lagu baahiyay twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ruuxaasi uu maleegayay weerar lagu dhibaateyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, hase yeeshee laga hortagay dhagartiisa.

NISA waxa ay tilmaantay in howlgalka aysan cidi wax kunoqon.

Nuqul kamid ah qoraalka NISA ayaa ahaa “Howlgal ay ciidamada amaanka xalay ka fuliyeen nawaaxiga X-koontarool, ayay kusoo qabteen xubin AS ah oo maleegayay qarax uu ku haligo shacab badan. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga ku howlan gumaadka shacabkeena”.

NISA ma shaacin Magaca Shaqsiga la soo qabtay,waxayna sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay aysan cid waxba ku noqon sidii loogu talo galayna uu u dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com