Sacuudiga oo ka hadlay dagaal ay la gasho Iraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay aqalka looga arrimiyo dalka Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ilaa xad ka meer-meeri doonto in dhan dagaal loo rogo Khilaafka cusub ee kala dhexeeya Dalka Iraan.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Sacuudiga ay dhooreyso awooda iyo miisaanka ay Iraan ku dhex leedahay caalamka, balse aysan aqbali doonin in Iraan ay Siyaasadeyso xiriirka xumaaday.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Amiir Max’ed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay inaysan jirin sabab ku qasbeysa inay la dagaalamaan Iraan.

Amiir Max’ed waxa uu sheegay in xilligaan marka loo eego aysan jirin wax Sacuudiga ku qasbaya inay Iran la dagaalamaan hase ahaatee arrinta ku saabsan xiriirka go’ay uu ka yimid dhanka xukuumadda Tehran, sida uu yiri.

Qoraalka waxaa lagu yiri ”Sacuudigu waxa uu dhoorayaa miisaanka Iraan. ma jirto sabab dagaal iyo dulmi ku qasbaaya Sacuudiga. dagaal dhexmara Sacuudiga iyo Iraan waxa uu noqonayaa musiibo usoo hoyata caalamka”

”Sacuudiga kuma degdegi doona dagaal ay la gasho Iraan, balse waxa uu Sacuudiga difaacanayaa diinta, dadnimada, shacabkeeda iyo dhulkeeda cidna gorgortan kalama gali doonto” ayuu dhaxal sugaha ku yiro qoraalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Qoraalkaani ayaa kusoo beegmaaya xili xasarada ka dhex tolan labada dal ay saameyn adag ku yeelatay Dowladaha carabta kuwooda liita iyo kuwa quwada la buka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com