QM oo cadeysay mowqifkeeda maamulka Bakool

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Xafiiska Hay’adda QM qeybteeda Somalia ayaa waxaa looga hadlay warbixin la xiriirta dhismaha maamulka Bakool Sare ee dhawaan looga dhawaaqay Gobolka Bakool.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in QM ay kasoo horjeedo dhismaha maamulkaasi islamarkaana aysan aqoonsaneyn.

Warbixinta oo aheyd mid gaaban ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dhismaha maamulkaasi uu yahay mid aan sal iyo baar ku laheyn sharciga Somalia iyo kan Gobolada dalka.

Dhismaha Bakool Sare ayey QM sheegtay inuu carqalad ku yahay hanaanka doorasho iyo tan mustaqbaleed ee Somalia.

Warbixin tan lamid ah oo lagu soo daabacay twitter-ka QM qeybta Somalia ayaa waxaa lagu shaaciyay in marnaba aysan suuragal aheyn in Somalia laga dhiso maamul danbe oo lamid ah kan Bakool Sare.

Nuqul kamid ah Qoraalka ayaa u qornaa “QM iyo beesha caalamku midna ma aqoonsanayo maamulka Bakool sare.

Dhanka kale, go’aankaasi ayaa waxa uu imaanayaa xili Fantasiyo lagu taageeraayo dhismaha maamulkaasi ay ka socdaan dalka dibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com