Xog: Beesha Xawaadle oo diiday in Xasan Shiikh uu ka iibiyo Faarax C/Qaadir kuna adkeysatay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Xassan uu ku guul dareystay in Odayaasha Beesha Xawaadle ka jooga muqdisho uu ka dhaadhicin waayay in Faarax C/qaadir uu kmaid noqon karo musharaxiinta u taagan qabashada maamulka cusub ee lagu mideynaayo Hiraan iyo Sh/Dhexe.

Kulan uu Xassan Sheekh Villa Somalia kula qaatay ilaa Sagaal odayaal ayaa waxa uu kala hadlay suuragalnimada in Faarax C/qaadir ay dhankooda uga doortaan madaxweynaha maamulka, waxaana lasoo warinaaya in Odayashaashaasi ay ka caga jiiden qorshaha uu Xassan usoo bandhigay.

Xassan Sheekh ayaa la soo sheegayaa in Odayaasha uu u ballanqaaday in haddii uu Faarax C/qaadir ku guuleysto madaxtinimada maamulka ay Beesha Xawaadle heli doonaan xilal iyo darajooyin aysan fileynin balse loo baahan yahay in marka hore ay muujiyaan wadadii lagu gaari lahaa guusha.

”Xassan Sheekh waxa uu sheegay in Faarax C/qaadir uu noqon doono madaxweynaha maamulka cusub ee Hiraan iyo Sh/Dhexe, anagu fili meyno in meesha ay ku jirto waji uu Faarax madaxweyne kaga noqon karo maamulka cusub waayo deegaanba kuma aha labada Gobol” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha kulanka la qaatay madaxweyne Xassan.

”Xassan Sheekh waxa uu inoo sheegay qorsho aan maskaxduba galeynin waayo anagu raali kuma nihin in Faarax uu na maamulo”

Qorshaha Madaxweyne Xassan ayaa ah in doorashada maamulka cusub ay u dhacdo qaabka loo soo doortay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed, waxaana arrinkaasi kasoo horjeeda Beesha Xawaadle oo Faarax C/qaadir u arka inay ku feelan yihiin Ethiopia iyo gumeyste kale.

Waxaa lagu wadaa in madaxweyne Xassan Sheekh uu kulan kaasi ka duwan la qaadan doono Odayaal kale oo la sheegay inay kasoo jeedan isla beesha Xawaadle.

Ma cada sida uu xaalku noqon doono, inkastoo madaxweyne Xassan Sheekh ay ka go’an tahay in Faarax C/qaadir uu ka dhigo madaxweynaha maamulka cusub ee loo dhisi doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com