Tarsan oo farriin adag iyo digniin u diray Jawaari

London (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur tarsan ayaa fariin usoo diray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan tagay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Hoos ka akhriso Fariinta Tarsan

Gudoomiye waxaad la socotaa xaaladda uu dalku ku suganyahay iyo habka ay siyaasadu ku socoto. Waxaa kaa saaran mas’uuliyad weyn in aad wax ka qabato, hadaadan wax ka qabankarina uu mowqifkaaga caddaado.

Waxaad la socotaa sida ay ku dhismeen dowlad goboleedyadu, waxaadna ogtahay in hadana ay bilaabatey in jufo kasta ay sameysato dowlad goboleedyo ka hoos baxahaya kuwii hore. Taas waxay astaan u tahay burburka uu ku socdo qaranka Somaaliyeed.

Astaan qaran waxaa maanta u taagan Barlamaanka Federalka Somaaliyeed eed adigu madaxda ka tahay inkasta oo ceebaal badan ay jiraan oo kalsoonida uu shacabku ku qabo ay yartahay hadana waa meesha keliya ee qabiil kasta iyo gobol kasta ee Somaaliyeed uu metelaad ku leeyahay. Sidaas darteed waa lagama maarmaan in ayna sinaba ku dhicin in Barlamaankaan la kala diro ayada oon la helin wax ummadu isku raacsantahay.

Saadaasha Hiigsiga 2016 iyo habka loo maamulahayo waxey muujineysaa rajo xumo, waxaadna u maleysaa in Soomaaliya ay maalin kasta ku si dhowaaneyso shirqoolkii loo dhigey tan iyo intii ay qaranimadii gacandooda ku burburiyeen.

Gudoomiye maalinta la gaaro 2016 ayada oon ayeyna jirin wax heshiis lagu yahay, ama wax gacan ku rimis ah oo ayna ummadda Somaaliyeed ayna ku qanacsaneyn oo u adeegahaya dano gaar ah oo ay horseed ka yihiin dadka hogaanka dalka haya waxaad ogaataa in ay tahay burburkii qaranimada Soomaaliyeed iyo jiritaanka kiyaan Soomaaliyeed.

Gudoomiye waxaan kugula talini in aad si taxadir leh uga fekerto meesha aan ku furidoono talada dalka adiga oo la tashanahaya gudoonka Barlamaanka iyo xildhibaanada ay ku jirto qiirada wadani. Gudoomiye maalinta la kala diro Barlamaanka hadda jira iyada oo ayna jirin wax badiil ah oo la isku raacsanyahay, waxaad ogaataa in la kala direy ummadda Somaaliyeed waxa keliya ee ka dhexeeya markaasna taariikhdu idin ma cafindoonto adiga iyo raga kale ee wadanka madaxda ka ah.

Gudoomiye waa in aad qaadaa tilaabo geesinima ah oo aad ku badbaadin karto dalka iyo dadkaba. Waa in aadan marnaba ogolaanin in dalku meel maran ay ku dhacdo awoodiisu.

Caasimada Online
Xafiiska UK
Caasimada@live.com