24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

Guuleed oo ku wajahan Kismaayo iyo qorshe…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed ayaa lagu wadaa in maanta uu socdaal ku gaaro magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland.

Socdaalka C/kariin Gulleed ee magaalada Kismaayo ayaa ku qotoma arrimo gaar ah oo maamulkiisa kala dhexeeya Jubbaland.

C/kariin Gulleed ayaa magaalada Kismaayo ku sugnaan doona muddo laba cisho ah, waxaana ujeedka socdaalkiisa lagu micneeyay mid uu Gulleed ka muujinaayo diidmo inuu ka qeybgalo shirka la filaayo inuu ka dhaco magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa dadaal dheeri ah u galay inuu fikradiisa ka dhaadhiciyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed, si uu kaga qeyb galo shirka magaalada Kismaayo.

Gulleed ayaa Siyaasad ahaan iminka la safan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan oo isna diidan inuu ka qeybgalo shirka Kismaayo.

Warbixin ay si wada jir ah usoo saaren Axmed Madoobe iyo C/kariin Gulleed ayey ku sheegen iney muhiim tahay in shirka magaalada Kismaayo uu noqdo mid laga soo saaro wax dan u ah Ummada Soomaaliyeed.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta socdaalka C/kariin Gulleed ee magaalada Kismaayo, waxa ayna tani muujineysaa in Siyaasad ahaan ay aad isugu soo dhawaaden labada mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News