Wasiiro iyo xildhibaanno carreysan oo kulmay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shir ay ku mideysnaayen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS kuwaasi oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Shirka oo dhowr saac qaatay ayaa waxaa looga soo horjeeday socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa sheegay in Jawaari uu ka weecday shuruucda DFS waxa ayna sheegen in socdaalkiisa uu ahaa mid ololinaaya xasarada ka dhextaagan Galmudug iyo Ahlusunna.

Wasiirada iyo Xildhinaanada kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Jawaari uu dhabjiyay maslaxadii laga lahaa isku imaanshiyaha Galmudug iyo Ahlusunna, waxa ayna aad u dhaliileen socdaalka Jawaari.

Xildhibaanada kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas waxa uuna sheegay in Jawaari uu ku fududaaday booqashada Dhuusamareeb islamarkaana taasi ay muujineyso in DFS aysan iska warqabin.

Yuusuf Geele waxa uu tilmaamay in Booqasha Jawaari ay fashil ku tahay in horay loosii wado wada hadaladii u dhexeeyay Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxa uu sidoo kale Yuusuf Geele tilmaamay in wada hadalkii u dhexeeyay Galmudug iyo Ahlusunna ay qeyb ka ahaayen DF iyo IGAD, balse iminka uu isku bedelay mid u lug xiran Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Xildhibaan Jawaahir Cilmi oo sheegtay in rajo wanaagsan ay ka qabaan wada hadalada hada socda ee ay hormuudka katahay dowlada Soomaaliya, balse Dowlada looga baahan yahay inay is xakameyso.

Dhanka kale, Shirkaani ay wada qaaten Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Galmudug ayaa muujinaaya in Maamulka Galmudug ay xasaasiyad ka qabto in laga faragaliyo wada hadalka kala dhexeeya Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com