Sacuudiga oo si arxan darro ah mar kale u beegsaday xubno ka tirsan XAMAS

Riyadh (Caasimada Online) – Xamas ayaa naxdin ka muujisay xukun ay maxkamad ku taalla Sacuudiga ku riday tiro Falastiiniyiin iyo Jordanian ah oo deganaa dalkaas.

Sida ay sheegtay Xamas, 69 ka mid ah xubnaheeda iyo taageerayaasheeda Sacuudiga, oo kasoo kala jeeda Falastiin iyo Jordan ayaa Axaddii lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa 21 sano.

Raggan ayaa la xiray saddex sano kahor, ayada oo lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin urur argagixiso islamarkaana ay lacag u ururinayeen. 

Xamas ayaa ah laan ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Sacuudiga iyo Dalalka Gacanka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso. 

“Walaalahan ma aysan gelin wax dambi ah oo horseedi kara xukunadan adag ee aan cadaaladda aheyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xamas. 

“Waxay sameeyeen ayaa ahaa kaliya inay taageereen qadiyadda shacabkooda, taasi oo aan wax dhibaato ah ku aheyn boqortooyada iyo dadkeeda.”

Xamas ayaa soo dhoweysay go’aanka maxkamadda ay dambigi ugu weysay qaar ka mid ah dadka lasoo eedeeyey, hase yeeshee waxay sheegtay inay ka xun tahay xukunada adag ee aysan u qalmin ee lagu riday badankood. 

Xamas ayaa ugu baaqday hoggaanka Sacuudiga inay si deg deg ah usii daayaan raggan, ayna soo afjaraan silaca ay marinayaan qoysaskooda, oo socday laba sano ka badan. 

Dadka la xukumnay ayaa waxaa ku jira wakiilkii Xamas ee Sacuudiga Dr. Muhammad al-Khudari, oo 15 sano oo xabsi ah lagu riday.