Wararkii ugu dambeeyey safarka Rooble ee Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda gudaha magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono madaxda sare ee wadankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan wafdi horudhac u ah safarka Rooble inay gaareen magaalada Niarobi, si ay u agaasimaan soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha oo uu casuumaddan u fidiyey madaxweynaha dalka Kenya oo u soo wakiishay wasiirkiisa arrimaha dibadda Raychelle Omamo ayaa kala hadli doono Uhuru arrimo ay ka mid yihiin inuu si buuxdo dib ugu soo noqdo xiriirka labada dal, ka gudubka mad-madowga siyaasadeed ee labada dhinac iyo ka shaqeynta labada dan ee Somalia & Kenya.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu oo la hadlay BBC-da ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey socdaalka Rooble ee Nairobi, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu daaran-yahay dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi ee wadamada Soomaaliya & Kenya.

“Safarka Ra’iisul Wasaaraha waxa ay la xiriirta dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi ee Soomaaliya & Kenya, in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen maadaama horay madmadow siyaasadeed uu soo kala dhexgalay,” ayuu yiri Macalimu.

Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Dano badan ayaa ka dhaxeeya Labada Dal sida Qaxootiga Soomaalida, Ciidamada Midowga Afrika iyo deris wanaagga waana waxyaabaha ay kawada hadlayaan Ra’iisul Wasaasre Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweyne Kenyatta”.

Socdaalkan ayaa daba socda booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay maalin ka hor ku timid magaalada Muqdisho, taas oo wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba safarka Rooble uu ku aadayo dalka Kenya ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ee ay si weyn isku hayaan madaxweynaha uu mudda xileedkiisu idlaaday.