Sawirro: Rooble oo gaaray Mombasa iyo wararkii ugu dambeeyey ee safarka

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo xiligan uu ku sugan yahay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Uhuru Kenyatta ayaa yeelan doona wada-hadal, xili dib loo furay saafaradihii labada dal, islamarkaana uu soo hagaagayo xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Socdaalkan ayaa imid kadib casuumad rasmi ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka helay madaxweynaha Kenya, taasi oo ay dhawaan soo gaarsiisay Wasiirka arrimaha dibedda Kenya.

Safarka Rooble ayaa sidoo kale banaanka u soo saaray arrin xasaasi ah oo qarsooneyd oo ku aadan dhinaca duulimaadka, gaar ahaan safarada madaxda dalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka hadlayey arrintan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay buuxisay shuruucdii duulista hawada sidaa awgeedna uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble duulimaadkiisu yahay SOM-001, taas oo ka dhigan in xittaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aduunka marka la’eego duulimaadyada madaxweynayaasha ay qaataan 001, ra’iisul wasaareyaashana ay qaataan lambarka 002, balse duulimaadka maanta ra’iisul wasaaraha ee lambarkiisu yahay 001, ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhexeeya isaga iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday.

Si kastaba, Villa Somalia ayaa xiligan gashay marxalad cusub, kadib markii uu khilaaf dhinac awooda iyo maamulka uu soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kaasi oo soo ifbaxay maalmihii u dambeeyay.