Sacuudiga oo u jihaystay Israel kadib markii ay ku fashilmeen Mareykanka

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa qosheeneysa inay soo iibsato habka difaaca gantaalaha Israel ee loo yaqaan Iron Dome, si ay uga hor-tagaan gantaalaha ay soo tuuraan Xuutiyiinta dalka Yemen.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii habka difaaca gantaalaha Mareykanka ee Patriot System, oo balaayiin dollar uga baxday Sacuudiga, uu ku fahsilmay inuu qabto inta badan gaantaalaha Xuutiyiinta.

Gantaaladan ka hor-taga gantaalada ee Patriot System oo la dhigay wax 20 km ka yar u jira xuduudda Yemen, ayaa noqday lacag khasaartay, oo xitaa awoodi waayey inay qabtaan gantaalo aan sidaas u horumarsaneyn oo Xuutiyiinta ay farsameeyeen.

Xuutiyiinya ayaa ku riday Sacuudiga in ka badan 200 oo gantaal, waxaana la rumeysan yahay inay ku dhinteen shacab gaaraya illaa boqol qof.

Sacuudiga waa qariyaan xaqiiqda gantaalada Xuutiyiinta iyo dadka uga dhinta, sidoo kalena ma doonayaan inay si shaacsan u dhaliilaan gantaalaha Mareykanka, ayaga oo ka cabsanaya dowladda Mareykanka, hase yeeshee waxay si hoose u qirsan yihiin in lacag laga qaato, wax tayo lehna aan la siin.

Iron Dome oo Israel ay u adeegsato inay kaga hortagto gantaalaha kooxda Xamas, ayaa la rumeysan yahay inay 90% qabtaan gantaalada kusoo socda Israel, kana wanaagsan yihiin kuwa Mareykanka.

Fahad Al-Qahtani oo ah Sacuudi dhaliila siyaasadda dowladda ayaa yiri “Patriot waa guusha Trump Abu 500, balaayiin dollar oo ay u baahnaayeen saboolka Sacuudiga ayaa ku baxday, waana khasaaro.”

Sacuudiga ayaa la sheegay inay Israel ka codsatay in Iron Dome marka hore ay ku tijaabiso xuduudda Yemen, kadibna haddii ay ku guuleystaan qabashada gantaalaha Xuutiyiinta ay iibsan doonaan.

Dalka Sacuudiga waxaa dalka ugu soo hub iibsashada badan caalamka afartii sano ee tagtay, hase yeeshee militarigooda waa mid ka mid ah kuwa ugu taagtay darran dunida.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com