Saddex arrin oo Al-Shabaab ay dalbadeen oo qasbay barakac ka socda Mudug

Wisil (Caasimada Online) – Deegaanada Wasil iyo Bacaadweyn oo ka tirsan bariga gobalka Mudug ayaa waxaa ka socda barakac xoog leh oo ay sameynayaan dadka degaanka, kadib markii Al-Shabaab ugu hanjabeen in ay soo weerari doonaan.

Al-Shabaab ayaa dadkaan u sheegay in ay ka guuraan degaanadooda, haddii aysan bixin doonin lacag ay dul dhigeen Al-Shabaab, islamarkaana aysan keeni karin dhallinyaro u dagaalanta Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dadkan ku amray in la shaqeeyaan maamulkooda, islamarkaana ay u ogolaadaan in dugsiyada Qur’aanka ay macalimiin ka noqdaan xubno Al-Shabaab ah, si carruurta loo baro caqiidada ay aaminsan yihiin Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in boqolaal qoys ay saacadihii la soo dhaafay ka baxeen Bacaadweyn iyo Wasil, islamarkaana ay geereen degaano ku dhow Gaalkacyo si ay u helaan amni.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa u muuqda in ay ku guul dareysteen in Al-Shabaab laga qabto dadka ku nool degaanadaas maadaama ay shacabka awoodi waayeen in ay iska difaacaan qatarta Al-Shabaab ee degaanadaas.

Al-Shabaab ayaa subaxii Axadda weerar culus ku qaaday deegaanka Wisil, waxaana dagaal ka dhacay ku dhintay in ka badan 30 qof. Waxay sidoo kale marar badan horey u weerareen deegaanka Bacaadweyne.