Xog: Maamulka dhaqaalaha doorashada oo la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay lasoo geba-gebeeyey shirka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul gobaleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ee looga hadlayey arrimaha doorashada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lla isku fahmi Dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya iyo iyo sida loo maamulayo, waxaana shirka uu dhammaaday ayada oo aan qodobkaas heshiis laga gaarin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dooday in xafiiskiisa laga maamulo dhaqaalaha ku baxaya doorashada, halka madaxda maamul gobaleedyada ay dalbadeen in la qeybiyo oo maamul kasta la siiyo qiimo gaar ah, sida uu doonana u maamulo.

Qodobkan ayaa lagu heshiin waayey, waxaana la isla gartay in si hoose oo farsameysan loo xaliyo. Dhaqaalaha doorashada ayaa waxaa bixinaya beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah in go’aanka kama dambeysta ah ee cidda maamuleysa uu ayaga ka yimaado.

Shirkii Golaha Wadatashiga ayaa shalay si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay, ayada oo la qorsheeye in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.