Saddex arrin oo uu William RUTO si gaar ah ugu ballan qaaday SOOMAALIDA

Nairobi (Caasimada Online) – William Samoei Arap Ruto ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Kenya kaddib markii uu loollan adag ku galay doorashadii qabsoontay 9-kii August, 2022. Waxaa jiray arrimo gaar ah oo uu Soomaalida horay ugu ballan qaaday haddii la doorto.

Dad badan waxa ay saadaalinayeen in Ruto uusan ku guulaysan doonin tartanka xilka ugu sarreeya Kenya, sida uu isaga qudhiisa ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay goobtii looga dhawaaqay guushiisa doorashada.

Ninkan oo tobankii sano ee lasoo dhaafay ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa olole muddo dheer socday usoo galay in xilka madaxweynaha fursad loo siiyo.

Waxa uu safarro ku tagay deegaannada dalka, oo ay ka mid yihiin kuwa ku yaalla gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari.

Si la mid ah murashaxiintii kale ee loollanka kula jirtay, waxa uu shacabka u ballan qaaday waxyaabo uu samayn doono haddii la soo doorto.

Bulshada Soomaalida ah ayuu si gaar ah ugu ballan qaaday saddex arrin oo muhiim ah.

Sharciga aqoonsiga

Intii uu Ruto ku guda jiray ololaha doorashada waxa uu bulsho walba kusoo jiidanayay qorshaha uu u hayo, si ay codadkooda u siiyaan marka loo dareero doorashada.

Soomaalida, oo ka mid ah bulshooyinka Kenya ayuu u sheegay in marka uu xafiiska madaxtooyada la wareego xaqiijin doono in meesha laga saaro waxa loogu yeero “cunsuriyeynta bulshada Soomaalida ah lagu bartilmaameedsado” marka ay raadsanayaan sharciga aqoonsida dalka ee loo yaqaanno “Kibaandhe”.

Dadka qaar ayaa sidoo kale culays kala kulmi jiray inay baasaboorka waddanka helaan.

Cabashada ku aaddan arrintaas ayaa socotay muddo dheer, hoggaamiyeyaasha Soomaalida Kenya ayaana dowladda ku dhaliilayay in ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatadaas.

Haddii madaxweynaha la doortay uu ka dhabeeyo balla-qaadkiisii xilliga ololaha, Soomaalida Kenya ayay u suurtageli doontaa inay waqti gaaban ku helaan shuruucda, caqabado badan oo ka hor imaan jirayna lama kulmi doonaan.

Dadka la waayo iyo dilalka sharci darrada ah

Arrin kale oo uu William Ruto ku xusay qorshaha uu dalka ugu talo galay markii uu isu diyaarinayay doorashada ayaa ah in uu ku dadaali doono joojinta falalka dadka sida qarsoodiga ah loo kaxaysto ee mar qura la waayo iyo dilalka aan maxkamad loo marin.

Maadama loo doortay xilka madaxweynaha, waxaa laga filayaa inuu taasna hirgeliyo.

Xildhibaanka Gaarisa, Aadan Barre Ducaale, oo saaxiib dhow la ah Ruto, ololaha doorashadana kula jiray, ayaa sheegay inay kasoo bixi doonaan ballantii la qaaday.

“Maanta waxaan u sheegayaa ummadda Soomaalida ah sida aan ballan-qaadnay, arrinkii kibaandhaha iyo baasaboorka ee ummadda Soomaalida ah lagu kala soocayay iyo ummadaha Kenyaanka ah way dhamaan doontaa,” ayuu yiri Ducaale

“Weliba waxaan sameynaynaa guddi soo baari doona raggii ka dambeeyay dilkii faraha badnaa ee lagu sameeyay ummadda Soomaalida iyo ummadda muslimiinta in dib loo baaro oo raggaas maxkamad la keeno, hooyooyinkii iyo haweenkii raggooda iyo wiilashooda maqan yihiinna dib loo keeno,” ayuu sii raaciyay.

Waxa uu Ducaale sheegay in guusha usoo hoyatay ay ku timid waxyaabaha ay dadka u ballan qaadeen.

Isagoo sharraxayay waxyaabaha u qorsheysan ayuu yiri: “Heerkan waxaan ku gaarnay dadaal iyo ajandaheenna ayaan ka iibinnay ummadda Kenya. Ummadda Kenya sanadkan kuma aysan codeynin siyaasi ku dhisan qabiil, waxay ku codeeyeen siyaasi ku dhisan maanafeesto iyo ajender.

“In aan danyarta u daneyno, in aan dhaqaalaha waddankan dib u soo celinno, inaan deymaha waddankan oo kor u kacay aan yareyno, in aan dhallinyarada aan shaqaaleyno, in aan waddankan soo kordhinno, in aan gelinno caafimaad, ceymis qof kasta oo waddankan u dhashay haddii uu xanuunsado dawo iyo isbitaal free ah uu helayaa.”

Waddo muhiim ah

Ruto ayaa mar uu socod ololaha qayb ka ah ku marayay deegaanno ka tirsan ismaamulka Garissa waxa uu ballan qaaday in dowladdiisa ay dhisi doonto waddo isku xiri doonta magaalooyinka waawayn ee gobolka Waqooyi Bari.

Aadan Ducaale ayaa sheegay in ballan-qaadkaasna ay fulin doonto dowladda loo doortay saaxiibkiis.

“Waddadii bankiga adduunka uu maalgeliyay ee ka billaabanaysay Maddoogaashe, Wajeer ilaa Mandheera oo madaxweyne Uhuru Kenyatta oo waqti kasta uu isku dayo inuu lacagtaas uu waddan kale geliyo, taasna waan ka diidnay marka jidkaasna, InshaAllah, waa la dhisayaa,” ayuu yiri.

William Ruto oo keliya ma ahayn murashaxiinta ballan-qaadyada u sameeyay bulshada Soomaalida.

Ninka sida wayn ula tartamayay, Raila Odinga,  ayaa isagana horay u ballan qaaday in haddii kursiga madaxtooyada loo doorto uu amar ku bixin doono in la furo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo muddo dheer xirnaa.

Isha: BBC