Saddex carruur oo gaajo darteed ugu geeriyooday duleedka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saddex carruur gaajo darteed ay ugu geeriyoodeen kaam ku yaallo halkaasi.

Kaamka Calaf suge oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa carruurtaan ay ku dhinteen, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan.

Hooyada dhashay carruurtaan ayaa la sheegay inay tahay naafo, waxaana carruurta u soo shaqeyn jirtay ayeeydood oo iyana 28kii Bishii December ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye.

Farxiyo Xasan oo carruurta geeriyootay Habaryar u ah ayaa Warbaahinta u sheegtay in carruurtaasi gaajo darteed ay u dhinteen, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan.

Waxa ay sheegtay ayeeydood inay u soo dawarsan jirtay, balse ayeeyda ay ku dhimatay Qaraxii Excontrol.

Laba ka mid carruurta ayaa geeriyooday, waxa ay ahaayeen Mataano, waxaana ku xigay wiil yar oo Shan bilood jiray oo loo waayay caanihii uu cabi lahaay, kadibna geeriyooday.

Dadkaan dhibaatada haysata ayaanan jirin cid si gaar ah isugu hawshay inay daryeesho, waxaana hooyada oo xannuunsan hadda ay dhex jiiftaa Kaamka Calaf suge ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ehellada caruurta oo la hadlay VOA, hoos ka dhageyso.